Boqollaal ganacsiyo ah oo ku yaalla Minnesota ayaa Jimcadii albaabada loo laabay, taasi oo qayb ka ah mudaaharaad dhaqaale oo ka dhan ah ciidamada laanta socdaalka ICE ee gobolkaasi.

Qabanqaabiyeyaashu waxay ugu baaqeen dadka deegaanka in ay shaqada ama iskuulka ka maqnaadaan haddii ay suurtagal tahay, isla markaana aysan wax iibsan, si ay u muujiyaan ka hor imaadkooda hay’adda Socdaalka iyo Kastamyada (ICE).

Waxay sidoo kale qorsheeyeen banaanbaxyo ka dhici doona St. Paul iyo Minneapolis, laba magaalo oo howlgalada ICE ay si xooggan uga socdaan.

Maamulka Trump wuxuu ku tilmaamaa howlgalada kuwa amni oo bulshada loogu talagalay, si loo masaafuriyo dembiilayaasha lagu tuhunsan yahay ee dalka si sharci darro ku jooga. Dhinaca kale, dhaliilayaasha waxay ka digayaan in muhaajiriin aan dembi lahayn iyo muwaadiniin Mareykan ah labadaba la xirayo.

Kumanaan saraakiil federaal ah ayaa loo diray Minnesota oo qayb ka ah “Hawlgalka Metro Surge”. Arbacadii, afhayeenka Waaxda Amniga Gudaha, Tricia McLaughlin, waxay bayaan ku sheegtay in dowladda ay qabatay “10,000 muhaajir sharci-darro ah oo dembiilayaal ah oo ku sugan Minnesota,” tan iyo markii Madaxweyne Donald Trump uu xafiiska ku soo laabtay sanadkii hore.

Laakiin dilkii haweeney 37-jir ahayd ee Minneapolis, Renee Good ee bilowgii bishan ayaa kiciyay mudaaharaadyo baahsan oo ka dhacay gobolka iyo cambaareyn ka timid mas’uuliyiinta deegaanka.

Inkasta oo mudaaharaadyo badan oo nabdoon ay dhaceen, qaar ayaa sababay isku dhacyo rabshado wata oo u dhexeeya dadka mudaaharaadaya iyo saraakiisha federaalka.

“Waxaan dooneynaa ICE inay ka baxdo Minnesota, waxaanan dooneynaa inay ka baxdo dhammaan gobollada, iyaga oo adeegsaday awood dheeraad ah oo xad-dhaaf ah,” ayuu yiri Baadhe Dwayne Royster, oo ururkiisu Faith in Action uu taageerayo la-hawlgalayaasha deegaanka Minneapolis inta lagu jiro shaqo joojinta. “Waxaan dooneynaa in Congress-ka uu istaago oo ICE kormeeraan.”

Source bbcsomali