Masjid 30 jir ah oo ku yaala deegaanka Kaluunka ee magaalada Muqdisho ayaa maalintii Jimcihii lagu tukaday salaaddii jimcaha ee ugu dambeysay iyadoo amar lagu soo rogay in la dumiyo. Masjidka oo ku yaalla dhul ay dowladdu leedahay ayaaay dawladda Xasan Sheekh xaraashtay. Culimada diinta ayaa ka digaya in la burburiyo goobtan xurmada leh.
Masjidkani ayaa marka la dumiyo laga dhisi doonaa goobo ganacsi iyo Hotel iyo dukaamo
Imaamka masjidka ayaa madaxweyne Xasan Sheekkh fariin saxaafada u mariyay isaga oo u sheegay in uu misaajidka bad baadiyo madaama oo uu ka mid ahaa ragii ku tukan jiray misaajidka.
Culimada deegaanka ayaa iyaguna si kala gaar gaarbah uga hadlay arinkani waxana at dhaleeceeyeen masaajidkasi la duminaayo ee la iibiyay oo ku yaala xaafadda Kaluunka ee magaaladda Muqdisho.