MIYAAN LA MIDEYN KARIN CASHUURAHA KASTAMADA WADAMADA GEESKA AFRICA SI DADKA GOBOLKU SHAQO ABUUR IYO KOBOC DHAQAALE U HELLO !

Si loo dhiirigaliyo xornimada ganacsiga isla markaana u kordho dhaqaalaha dalalka Geeska Africa lagama maarmayo in la mideeyo kastamada ( customs) sida wadamada bariga Africa ee nidaamka kastamada ku midoobay ururka ( EAC ).

In dhaqaalaha wadamada Geeska Africa la isku furaa waxa ay fursad siinaysaa ganacsatada dalalka Geeska , waxa abuurmaya shaqooyin badan oo aan xad lahayn , waxa camirmaya dekadaha gobolka iyo suuqyada ganacsiga.

Isku soo wada xoori nidaamka maanta ee cashuuraha iyo kastamada ee dalalka Djibouti, Ethiopia iyo Somaliland maaha mid u sahlaya dadka ganacsatada ah in isku gudbaan , sidoo kale ma aha mid korinaya haynta dadka isla markaana abuuraya shaqooyin badan.

Nidaamkani waxa uu hoos imanayaa qawaaniinta midowga Africa ee ganacsiga xorta ah iyo kobcinta dhaqaalaha oo mustaqbalka lagu wado in wadamada Africa oo dhan ganacsigooga la isku furo.

Waxyaabaha laga bilaabayo waxaa ka mid ah ;

1- In cashuuraha laga dhaafo amaba la dhimo waxa ka soo baxa wadamada ee dalwaliba ka kale u gudbiyo.

2- fududeynta waxii ka soo dega dekadaha oo shuruucdii wax isku gudbinta ( transit laws ) maraya oo abuuri doona camirnaan iyo koboc dhaqaale iyo dhaq-dhaqaaq ganacsi oo weyn.

3- mideynta tacriifada dalalka iyo xeerarka kastamada oo sida dalalka Uganda, Tanzania iyo Kenya oo kale la yeelo.

4- Waxa yaraanaya ama gabi ahaanba joogsanaya koontarabaanka badeecadaha dalka lagu soo galiyo ee cashuuraha lagala ordo.

Mohamed Abdi Jama
Mohamed Dhimbiil
hormood@hotmail.com