Orodyahanka afarta jeer noqday horyaalka Olympic-ka, Mo Farah, oo dhawaan sheegay in magaciisa dhabta ah uusan ahayn kaas ayaa wada sheekeysi cajiib ah la yeeshay ninka uu magaciisa wato ee sida runta u ah Mo Farah.

Dukimintari ay BBC-da ka samaysay qisada ku saabsan Mo Farah iyo sida uu yaraantiisii ku tagay UK ayaa qayb ka mid ah lagu soo bandhigay hadalka dhex maray labada nin.

Mo Faaraxa orodyahanka ah, oo hadda sheegay in magaciisa runta ah uu yahay Xuseen Cabdi Kaahin, ayaa khadka loo soo galiyay ninka uu magaciisa ku galay UK, waxa uuna ugu horrayntiiba kala hadlay sida uu muddo dheer magaciisa u watay.

“Ma rumaysan karo inaan kula hadlayo hadda. Waxaan watay magacaaga sannado badan, waana ku faanaa heerka aan gaaray,” ayuu ku yiri.

Intaas marka uu marayo ayuu waydiiyay su’aal uu waqti dheer ka guuxaysay maskaxdiisa.

“Balse shaksi ahaan waxaan mar walba iswaydiin jiray, ‘Aaway Maxamed? Ma nabad qabaa? Noloshiisu siday u egtahay? Waan ka fikiraa mar walba, waana rabay inaan kula soo xiriiro.”

Sir Mo Farah

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Mo Faarax ayaa markaas kaddib Mo Faaraxa runta ah waydiiyay sida ay noloshiisa tahay hadda iyo inuu reer iyo carruur leeyahay. Balse Maxamed ayaa sheegay in uusan wali reer samaysanin.

Qiiro ayaa ka muuqatay Mo Farah marka uu su’aalaha isdaba joogga ah waydiinayay ninka uu magaciisa caanka ku ahaa muddada dheer.

Balse wali way harsanayd su’aashii ugu xiisaha badnay.

Waa tee su’aasha ugu xiisaha badan?

In xoogaa ah markii ay sheekeysteen “Xuseen Cabdi Kaahin” iyo Maxamed Faarax oo telefoonka qaab maqal iyo muuqaal ah ugu jiray, waxa uu waydiiyay su’aal kale oo iswaydiinteeda mudan.

“Sideed isku tihiin orodka?”

Maxamed oo su’aashaas ka jawaabayay ayaa yiri: “Maya aniga orodka kuma fiicni.” Waxa uu sidoo kale sheegay in uu telefishinka ka daawado Mo Farah oo ordaya, halka isaguna uu yahay taageere kubbad.

Sir Mo Farah

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Dukumintariga ay sida wadajirka ah u duubeen BBC-da iyo shirkadda Red Bull ayuu Sir Mo Farah markii ugu horryasay shaaca uga qaaday qisada aan laga ogayn, waxa uuna sheegay in isagoo 9 jir ah qaab sharci darro ah lagu geeyay UK.

Orodyahankan 39 jirka ah ayaa sheegay in uu nafisay kaddib markii ay dowladda sheegtay in aysan kala noqon doonin sharciga dalka.

Hase yeeshee booliska ayaa sheegay in ay baaritaan ku samayn doonaan arrimo uu muuqaalka ku sheegay oo ay ka mid tahay in xilliga uu yaraa shaqaale guri laga dhigtay.