“Mooge miyaanu ahayn kii kursiga ku yimid doonista iyo dareenka shacabka ee Reer hargaysa siiyeen Codkii ugu badnaa ee abid la siiyo qof somaliyeed”
WQ. Xildhibaan Maxamed Abiib
“Waxa layaab leh hadalka ka soo yeedhay Maayarka Hargaysa oo ku sugan Idaacadda Radio Hargeysa oo leh wax dhibaato ahi ma dhicin saacadan.
Iyadoo la ogaa in Isla subixii horaba dhimasho iyo dhaawac jireen hadaba
Dhimashada 2da qof ee hargaysa inta la ogyahay iyo Dhaawaca shacabka ee tiro beelay tolow Maayar Mooge inuu dafiro maxaa ku kellifay?
Mooge miyaanu ahayn kii kursiga ku yimid doonista iyo dareenka shacabka ee Reer hargaysa siiyeen Codkii ugu badnaa ee abid la siiyo qof somaliyeed oo tartan dhaba ka qayb galay?
Iyada oo aynu ognahay dhimasho iyo dhaawacba inay ina daan wayne yihin Hargaysana maanta ay ka dhacayeen noocayada kala duwan ee hubku, oo aad moodaysay furin laba ciidan isku hor fadhiyaan sidee qof masuuli u odhan karaa dhibaato majirto.
Ugu yaraan maanta bukan badni waa daawo beelay qoysas badanina way masruf beeleen Dhibta maqani waa maxay maayarkii Caasimadoow sxb??
May be an image of 2 people and people sitting