Writen by Qaran News |

Mooryaan Mise Maamul Gobol ( Dadweynaha Gobolka Daadmadheedh ku dhaqani wuxuu mudooyinkan dambaba la jaahwareersanaa maamul xumada Gudoomiyaha Gobolka Daadmadheedh)
Tan iyo intii gobolka Daadmadheedh loo soo magacaabay gudoomiyaha hada ku magacaaban gobolkan waxaa soo ifbaxaysay maamul xumo iyo hogaamin liidata oo soo foodsaartay gobolka, taas oo dhaxal siisay in ay istaagaan dhamaan shaqadii ka socotay gobolka iyo degmooyinkiisa arintan oo salka ku haysa aqoon daro dhanka maamulka ka haysata gudoomiyaha gobolka oo uu dhawaan u soo magacaabay madaxweynuhu,
Haddaba haddii aynu iftiimin ku samayno waxa si cad u qeexaya xeerka ismaamulka gobolada iyo degmooyinka ee xeer 23 habka wadashaqaynta maamulada gobolada iyo degmooyinka iyo awoodaha sharci ee xeerkani kala siiyay, siddaas darteed iyadoo gudoomiyaha gobolka looga baahna hogaaminta guud ee gobolka inuu meel la taaban karo gaadhsiiyo siddii looga bartay badhasaabadii u kala dambeeyay gobolka, wuxuu taas badalkeeda ka dhigay iska horkeenka haayadaha dawlada u gacandhaaf ka maamulka degmada shaqooyinka sharcigu xaq u siiyay , khal khal gelinta haayadaha samafalka ee ka hawlgala degmada iyo gobolkaba isagoo haayadaha gargaarka binuaadamnimo fidinaya dano gaar ah ugu cago juglaynaya isagoo u adeegsanaya ciidan iyo awood sheegasho maamul oo baal marsan shuruuc dalka, arintaas oo sababi karta in haayadahu joojiyaan hawlgalka samofalka ee ay ka wadaan gobolka ka dib marka ay u arkaan in maamulka gobolku noqday mid u dhaqmaya sidii casaabada ama budhcad maamulnimo ka soo ifbaxdo.
Ugu dambayntii dadka ku dhaqan gobolka Daadmadheedh waxay Wasaarada Arimaha Gudaha iyo Madaxweynaha Qarankaba ugu baaqayaan in aan wakhti xaadirkan maamul gobol oo lagu haleeyo masuuliyadii gobolku aanu jirin si deg deg ahna wax looga qabto.

ALLAA MAHADLE
C/risak Cabdi Jaamac