Writen by Qaran News |

Musharrax Muuse Biixi Cabdi, ayaa khilaaf dhex-maray isagga iyo Madaxweyne Axmed Siilaanyo iyo Marwadiisa, kaddib markii ay isku aragti ka noqon waayeen qorshaha ku aadan Iscasilaada Wasiirkii shaqada iyo Shaqaalaha Md. Obsiiye, isla markaana Madaxweynuhuu ka qaatay tallaabadii kaga aadaneeyd, oo ahayd aqbalaada iscasilaada iyo magacaabista masuulkii isagga bedeli lahaa.
Hase-yeeshee xogo amuurtaa ku saabsan oo Warbaahinta qaarkood ka heleen nusdambeedka Musharrax Muuse Biixi Cabdi, waxay tibaaxeen Md. Muuse Biixi inuu Madaxweynaha iyo marwadiisa ku wargeliyey inaan Wasiirka laga aqbalin iscasilaada, isla markaana arrintiisa u wada-hadal ku xalin doono Marka uu kusoo laabto, Magaaladda Hargeysa, Maadaama waqtiga iscasilaada Wasiirku dhacday Md. Muuse Biixi uu ku sugnaa Gobolka Sanaag.
Waxa Wararku intaa ku darreen, Codsiga Musharraxa Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, inaanu Madaxweynuhuu dheg jalaq u sin, oo u waajibaadkiisi ka gutay, hase-ahaatee Musharrax Muuse Biixi waxa uu ka cadhooday, kuna canaantay talaabada Madaxweynuhuu arrinkaa ka qaatay, sidoo kalena Musharrax Muuse Biixi kolki uu soo gaadhay Magaaladda Hargeysa, waxa toos u tagay qasriga Madaxtooyadda, halkaasoo sida la sheegay uu kaga tiraabay hadallo kakan oo cadho leh, kuwasoo qaarna uu kaga cabanaayey Madaxweynaha iyo marwaddiisa, kuwo-na ku dareen siinayey abaalka uu kamid yahay.
Hadallada kasoo yeedhay Musharraxa Kulmiye Muuse Biixi, oo sida la sheegay aan farxad gelin Madaxweynaha iyo marwadiisa, ayaa sida illuhuu xuseen, waxa odhaahdoodu ahayd, mid u dhigan sidan; “..maalin walbaa waxan diffaacaya Ceebta iyo fadeexadda Xukuumadda, oo Kabihiinaan Tolayaa, idinkuna kafantaydaad tolaysaan. Bal eeg arrnbaynu kasoo wada hadalnay markii aan Hargeysa imina sidaasa yeesheen, waad mahadsan tihiin”.
Intaa kaddib, sida xoggaha lagu sheegay, Musharrax Muuse Biixi wuu, waanu kasoo baxay qasriga Madaxtooyadda. Waxa kaloo, xoggaha nusdambeedka Muuse Biixi daboolka ka qaadeen Madaxweyne Siilaanyo iyo marwadiisa arrinkaasi inuu ka daadegi waayey, una arkeen gef badheedh ah oo u kula kacay Musharraxu, sidoo kalena Marwada Madaxwaynuhu Aamina Maxamuud Jirde, goobtii uu Musharrax Muuse Biixi kaga soo dhaqaaqay, iyadoon weli ka kicin ku celcelisay inaanu mujaahid Muuse Biixi xaq ugu lahayn ereyadda noocan ah inuu ula yimaado, maadaama oo ay dhiseen, wixii ay u qaban karaayeena u qabteen, balse aanu xaq ugu lahayn Muuse Biixi inuu kusoo faro-geliyo go’aamadda Xukuumadda.