Writen by Qaran News |

Mucjiso & lama-arag: Arrin La Yaab Leh Oo Saaka Lagu Arkay Muqdisho+Sawirro

 

Dadka degmada Howlwadaag ee Gobolka Banaadir ayaa saaka kusoo tuusay Ido gowracan oo min labo-labo loo dhigay waddooyinka.

Idahaan oo labo labo isku garabyaal ayaa la sheegay in la dhigay inta badan waddooyinka degmada, gaar ahaan agagaarka xarunta degmada, waxa ayna arrintaan Khalkhal iyo dareen gaara ku abuurtay dadka shacabka ah ee ku nool degmada.

Neefafkan la gowracay oo labo labo leysku garab dhigay oo tiradooda gaadhaysay ilaa lix Neef ayaa midna loo dhigay sida neef fadhiya, halka kan kale la-garab jiifiyay sida neef jiifa.

Dhacdadaan oo ah mid ku cusub dadka Muqdisho, ayaan la ogeyn cidda ka danbeysa iyo sababta ay u sameeyeen, hase ahaatee dadku ay saakay daawanayeen.

Halkan ka daawo:-