DIDISAYE U YEEDHYAADH
Halka hadda ay marayso xaaladda magaalada Laascaanood xalka laga fakari karaa waa mid degdeg ah oo looga jeedo keliya “dhiigjoojin” balse aan ka horaysiino astaynta dhibaatada oo loo kala qaadi karo asal iyo farac. Dhibaatada asalka ah hadii aynu ku horayno waa ta dilalka soo noqnoqda ee lagu bartilmaameedsado haldoorka ka soo gobolka Sool oo laga fuliyo keliya magaalada Laascaanood. Dhibaatadaasi way jirtay ilaa xiligii xukuumadii UDUB ee Daahir Rayaale oo isaga iyo Wasiirkiisa Arimaha Guduhuba ay ahaan jireen saraakiil ka tirsanaa nabadsugida. Markii dhawr nin oo haldoor ah lagu khaarajiyay Laaska waxay xukuumadu qaaday hawlgal baadhiseed oo si fiican loogu guulaysta. Hawlgalka waxa lagu burburiyay shabakad dhan oo ka dambaysay dilalkii qorshaysnaa ee laga fuliyay Laascaanood kuwaas oo noqday wax la qabtay iyo wax fakaday. Muddo ayaanay markaa Laascaanood ka fayoobayn dilalkii qorshaysnaa ee soo noqnoqon jiray
Mar kale hadana dilalka qorshaysani waxay dib u soo noqdeen markii xisbiga Kulmiye la wareegtay xukunka. dilal qorshaysan ee ugu badan waxay dhaceen 12 sanadood oo xukuumadihii kala dambeeyay ee Kulmiye talada dalka ay hogaaminayeen oo aan haba yaraato wax baadhis ah la samaynin. Waxa caadi noqotay marka qof haldoor ah la dilo si fudud la isaga yidhaa LAMA GARANAYO CID dishay. Halkaana sheekadu ku dhamaato. Sida dad u dhuundaloola dilalka qorshaysan ee soo noqnoqonayay sheegeen tiro ahaan marxuumkii ugu dambeeyay Hadraawi ayaa ku 43 noqday
Dhibaatada labaad waxay ka dhalatay ka dib habeenkii la dilay AHN Hadraawi oo subaxnimadii dhalinyaro gadoodsani u soo dareereen badhtamamaha magaalada shiidna ay hadhka kaga dhigeen goobo isugu jiray kuwo gaar loo lahaa iyo kuwo dawladeedba, khasaare aan badnayna gaadhsiiyeen oo aan ka badnay waxay jejebiyeen
Khasaaraha nafeed ee dhimashada iyo dhaawaca leh waxa keenay falcelintii waali-duulka ahayd ee dhinaca xukuumadda markii dhalinyaradii gadoodsanayd Ciidanka Qaranka loo adeegsaday ee hub fudud iyo mid culusba oodda lagaga qaaday.
Waxa nasiib darro ah maydkii hore oo yaal welina aan la aasin 7 kale oo mayd ah iyo toban dhaawac ah la soo dul dhigo. Taas oo sababtay in talo faro ka haado.
Ilaa hadda xaaladu ma deggana ee sii socdotaa xukuumadduna ilaa hadda ayaabay ciidamo hor leh ku sii daabukaysaa aan la garanayn wax ay u socdaan. Xaaladda Laascaanood uma baahna kicin ee dejin bay u baahan tahay. Waxa ugu muhiimsani waa dhiigjoojin ama “damage control”. Aniguna talaabooyinkan ayaan u arkaa dhiigjoojin ama wax ha laga qaato ama yaan laga qaadan eh
1. In maamulka Laascaanood oo nabadgelyadu ku jirto lagu wareejiyo Maayorka Laascaanood iyo golihiisa degaanka ee laga soo doortay Degmada Laascaanood
2. In Bilayska ku sugan Laascaanood loo madaxbaneeyo Mayorka oo si toos ah isaga uga amar qaataan. Hadii xoojin uu uga baahdo Ciidanka Qaranka waa in ay ka gacansiiyaan keliya Ciidan Qaranka kuwa ka soo jeeda gobolka Sool oo keli ah
3. In Ciidamada Qaranka ee gaystay dilkii iyo dhaawacii maalmihii ugu dambeeyay ka dhacayay magaalada Laascaanood llaga saaro magaalada xeryahoodina dib loogu celiyo. Ciidanka Qaranku waa in ay ku koobnaadaan difaacad xuduudaha Somaliland kana hortagaan ciidan kasta oo isku daya in ay ku soo xadgudba. Taas oo ah shaqadoodii rasmiga ahayd
4. In dhamaan waxgaradka gobolka Sool, ay is garab taagaan gacanna ka siiyaan Mayorka Laascaanood iyo golihiisa degaanka dejinta xaaladda kacsan ee dhalinyarada gadoodsan
5. Intaa ka dib marka xaaladdu degto waxa fursad loo heli karaa wadahadal ku saabsan dhibaatadii dhacay hadii ay tahay tii Ciidanka Qaranku geystay iyo hadii dilalka qorshaysan ee soo noqnoqda ay tahayba iyadoo oodo dhacameed siday u kala sareeyaan loo kala guri doon
6. Halka xaalku gaadhay wasiirada iyo xildhibaanada guurtida ee ka soo jeeda Gobolka Sool waxba kama tari karaan xaaladdan kacsan oo hore ayay u gabeen gobolka. Xukuumaddu hawlihii kale ee gobolka iyo adeegyadii sideedii bay ugu soconayaan. Hase yeeshee waxa lagama masrmaan ah in Xidhibaanwda Wakiilada ee laga soo doortay gobolku oo uu hogaaminayo Gudoomiyaha Wakiilada, oo laftiisa laga soo doortay gobolku ay kaaln firfircoon ka qaataan xalinta khiilaafaadka, gaar ahaan gudoomiyuhuna noqdo biriishka isku xidhaya Madaxtooyada iyo reer Laascaanood maadaamo uu yahay protocol ahaan masuulka ugu sareeya madaxda ka soo jeedda Gobolka Sool ama reer ahaan Hartiba
CALIGUREY
HALGANWATCH