Mujaahid Cali Guray & Boqor Buurmadow oo isku Aragti & isku Mawqif ka noqday ….

Boqor Cismaan Buurmadow khilaafka doorashooyinka ee Somalilandba ku qaybsan tahay horta isku mawqif ayaanu ka nahay oo Doorashada Madaxtooyada ayaa soo horaysa ayuu qabaa aniguna waan la qabaa. Hogaaminta Muuse Biixi wuu saluugsan yahay halkaa lafteeda waanu ka midaysan nahay oo wuu dhaliilaa aniguna waan dhaliilaa. Ha yeeshee xaga hadalka eray doorashada waa qofba gaarkii. Erayga “saqajaan” uu ku sheegay madaxwayne Biixi ayaa carrabka lagu dhejinayaa oo maadaama uu hogaamiye dhaqameed yahay eray ka ladifan buu heli karayay lafteeda ma diidani.
Boqor Cismaan Somaliland buu u soo jeedaa waan maqlay, qasabna maaha in uu Madaarka Hargeysa isku soo qaado. Halkaa iyo Baaladhaye intuu gaadho in xadka uu ka soo galona u malee.
Boqorku 600 oo halaad buu leeyahay 120 baa ka dhalay la yidhi. Degaankiisii iyo dadkiisii uu boqorka u ahaana Muuse in uu ka soo dhex qaato fili maayo. Wax hadal ka badan oo dembi ahna ma gelin. Hadalna hadal baa ka furan.
W/Q: Siyaasi Cali Guray.
May be an image of 2 people and text