W/Q Musharraxa madaxweyne ee Xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro)
” Waxa aan salaan, hambalyo iyo bogaadin balaadhan u dirayaa Shacabkayga Jamhuuriyadda Somaliland, xuska munaasibadda 62-dan guurada, 26ka-June 1960-kii oo ahayd maalintii aynu xornimada ka qaadannay Maxmiyaddii Boqortooyada Ingiriiska. Waxaa faan & taariikh weyn inoo ah in aynu nahay curadkii Soomaalida oo dhan u horseeday Madax-bannaanida & Gobonnimada.
Ilaahay-na waxa aan innooga baryayaa in sannadkan iyo sannado kale oo badan innagu gaadhsiiyo, midnimo dhexdeenna ah, aqoonsi caalami ah, horumar-waara, doorashooyin xor iyo xalaal ah, Ilaahayna ku guuleeyo Shacabka Somaliland samirka iyo dhabar-adaygga ay u sameeyeen Qarankooda ay halganka dheer u soo galeen. Dalkeenna Somaliland-nna guul iyo gallad Eebe korkiisa ha saaro.
Walaalayaal, ku ciida farxad, nabad iyo hiigsi aan gudhayn, ballanteennuna waa midnimo, walaalnimo, iyo gobannimo.”
May be an image of 3 people, people standing and text that says 'EINYOA UCI WADDANI OMALILAND IYO ASIBAD XISBIGA NATIONAL PARTY DAB 18 MAY'