Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga Waddani Oo Cisbitaalka Ku Booqday Abwaan Xasan Ganay Iyo Walalkii Caqil Oston.
Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga Waddani Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo ay weheliyaan Guddoomiye Ku-xigeenka Xisbiga Waddani Axmed Cumar Xamarji iyo La-taliyihiisa saxaafadda Muniir Axmed Cigaal ayaa cisbitaalada Gargaar iyo Cisbitaalka guud ee Hargaysa ku booqday Abwaanka wayn ee Xasan Xaji Cabdillaahi Xasan (Xasan Ganay) iyo Walalkii Yuusuf Xaji Cabdillaahi Xasan (Caaqil Yuusuf Oston) oo xanuuno kala gaara loo dhigay cusbitaalada Gargaar iyo dhkharka wayn ee Hargeisa.
Murashaxa Cabdiraxmaan Cirro ayaa Alle uga baryay inuu Caafimaadiyo Abwaan Xasan Ganay iyo Caaqil Yuusuf Oston.