Musharax Cabdiraxmaan Ciro & Gudoomiye Xirsi oo Magaalada Nairobi kula kulmay Midowga Yurub

Murashaxa kursiga madaxweynenimo ee xisbiga Waddani iyo guddoomiyaha xisbigaasi ayaa safar ku tegay dalka Kenya.
Waxaanay masuuliyiintaasi kulamo la yeesheen danjireha dalalka ururka midawga Yurub ee Kenya, iyo masuuliyiin kale.
“Waxaan aniga iyo Murashaxa Madaxweynaha Xisbigu safar shaqo oo kooban ku tagnay Dalka Kenya. Waxa aannu isla maantaba kulan aan hore u qorshaysnayn la yeelannay Danjiraha dalalka midowga Yurub (EU) iyo xubin madaxda xafiiskooda ee Nairobi ka mid ah, waanan uga mahad celinayaa sida ay horumarka iyo doorashooyinka Somaliland u danaynayaan.” Ayuu yidhi guddoomiyaha Waddani oo safarkoodda si kooban uga hadlay.

Gudoomiyaha xisbiga WADDANI
Xirsi Cali Xaaji Xasan .