Musharraxa Madaxweyne Ee Xisbiga WADDANI mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro iyo Guddoomiyaha Xisbiga mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa hoygiisa ku booqday Abwaan Aadan Tarabi oo xanuun u jiifa.
Abwaanka ayaa xaaladiisa Caafimaad uga warramay Madaxda Xisbiga Waddani Waxaana uu uga Mahad celiyey booqashada ay ugu yimaadeen.
Dhankooda Musharraxa iyo Guddoomiyaha ayaa Illaahay uga baryay in uu caafimaad siiyo abwaanka waxaana ay sheegeen in markasta ay garab taagan yihiin muujinayaana Kaalinta uu abwaanku ugu jiro Shacabka Somaliland iyo ummadda Soomaalida oo uu doorweyn ku leeyahay.