Musharax Cirro oo Cusbitaalka ku Booqday…………

Waxa aan maanta ku booqannay dhakhtarka Manhal Speciality Hospital ee Caasimadda Hargeysa Rooda Cabdikariin Aadan Warsame oo ka mid ahayd Shacbigii ku waxyeelloobay ee ay dhaawacyadu ka soo gaadheen dibadbaxyadii silmiga ahaa ee dhawaan ka dhacay Magaalada Laasacaanood.
Waalidka Rooda aan la kullannay waxa ay nooga warbixiyeen dhibta soo gaadhay inanta, waxa aan Ilaahay uga barinnay in uu u boogo dhayo dhaawaca iyada intii kale ee ku waxyeellowday, intii dhimatayna Alle u naxariisto.
Marwalba, Xukuumadda waqtigeedu dhammaaday, waxa aan uga digeynaa in Shacabka dareenkooda muujinaya aan xoog iyo xabad lagala hor iman.