Musharaxa Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa hadda nuxur ka hadlaaya mudaharaadka soo saaray:-
May be an image of 1 person
“Bannaan-baxa iyo muujinta dareenka Shacbigu waa xaq Dastuuri ah, waana uu dhacayaa cid xaq u leh oo is-hortaagi kartaana ma jirto, qorshihii iyo diyaar-garawgii isu soo baxa nabadeedna sidiisii ayuu u socdaa. Hay’adaha amniga waxaa ku waajib ah ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta oo uu ka mid yahay xaqa cabbirka ra’yiga iyo bannaan baxuba.
Ciidamadda qalabka sida ee Qaranka JSL waxa aan uga digayaa in ay ku milmaan murranada siyaasadda ee Xukuumadda xilkeedu sii dhammaanayo ee ay dalka ka waddo. Ciddii gaysata gef iyo xad-gudub waxaa ka dhalan doona ciqaab iyo isla-xisaabtan, Shacabka & Sharciguba midna saamixi maayo.
Dhawaan waxaa dhalan doonna isbeddelka Shacbigu hoggaaminayo #13November2022.