INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN;
Waxa aan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhammaan qoyska, ehelada, caruurta. waayeelka, waxgaradka, asxaabta iyo Shacbka Soomaalida, gaar ahaanna kuwa ku dhaqan Jamhuuriyadda Somaliland ee uu ka baxay ALLE ha u naxariistee Marxuum Prof. Ismaaciil Maxamuud Hurre (Buubaa) oo ku geeriyooday goor dhaweyd dalka Turkiga.
Marxuumku waxa uu ahaa, siyaasi cabqari ah oo si weyn looga yaqaano Geeska Afrika, aqoonyahan culus oo bare sare ka soo noqday Jaamacadaha dalweynaha Maraykan, halgamaa ka tirsanaa Ururkii dib u xorreynta JSL ee SNM, isla markaana xilal sare ka soo qabtay Xukuumaddii Somaliland ee uu hoggaaminayey Madaxweyne AHU Cabdiraxmaan Axmed Cali (Tuur) oo uu ka soo noqday Wasiirkii Maaliyadda xilligaas, sida oo kalena ka soo qabtay mansabyo siyaasiya oo kala duwan Dawladda aynu jaarka nahay ee Soomaaliya oo uu ka gaadhay Raysal Wasaare Kuxigeen iyo Wasiirka Arrimaha Dibedda.
Marxuumka, waxa aan Ilaahay uga baryayaa in uu Jannatul firdowsa geeyo, dambigiisa dhaafo, innagana dhammaanteen innaga wada siiyo, samir iyo iimaan saadaq ah. Aamiin
May be an image of 2 people and people standing