Musharax Urur-doon oo Waddo Dhuxuleed qaaday

“Somaliland haddii aan anigu Madaxweyne ka noqon karin, haddii aan doorasho Madaxweyne isku taagi karin miyaanu garaadkaygu ku saxsanayn in aanuu Aaminin siyaasadda Somaliland.
Xildhibaannada Golaha Wakiilada Somaliland umay fikirin si qaan-gaadh ah, waxay u fikireen si ka hoosaysa”
Guddoomiyaha Urur-siyaasaddeedka Waaberi, Cabdirisaaq Ibraahim Ataash
May be an image of 1 person and sitting

Jawaab ku socota Ataash:

Atashow. Damaca dhulbahante wuu ka weyn yahey fashilka siyaasadda kulmiye ee fashilantey. Qaranimadda somaliland rag baa usoo joogey. Habeen aan hadaladda ku hadleyso ku hadlin. Waxaad dib u baadha. Taariihda raggan AHN
Fagadhe, Dahir Qayaad, Qeybe, Fuad Adan cadde. AHN cali khaliif baa ugu dambeyey. Intaas waxaan kugu daraya. Somaliland Madaxweyne Reer Sool ah wey dooran karta. Balse adiga oo muuse dhabarka ka taabtey. Dariiqu ka lumiyey waxaanda laga dhigey jarjarano aan meelna gaadheyn.
Masiirka darawiishta ma meteli kartid. Xamilkeedina ma lihid. Markaa dalka iyo dadka si fiican u baro. Wali somaliland casharo badan baa ku dhimane. Luuqadda heego aad ku hadleysa shacabku wuu fahmayaa garaadadda ha ceebeynin.
Bashe cali Jama. Casharo badan ka qaado. Marka ina Kaahin ku sheekeeyo galabtii. Habeenkii Baashe wac oo wareyso. Hadii kale bahashu wey ka khaldameysa. Waayo baashe warka laanta oo dhan wuu hayaa. Meelaha aad dhiiqadda cagaha la galeyso ayuu ka ilaalinaya.
AF AANAD LAHAYN LAMA QABTO
Wiilkan yar ee Dhulbahante ku lahaa:
“Somaliland haddii aanan anigu Madaxweyne ka noqon karin, haddii aan doorasho Madaxweyne isku taagi karin miyaanu garaadkaygu ku saxsanayn in aanuu Aaminin siyaasadda Somaliland”
Xildhibaannada Golaha Wakiilada Somaliland umay fikirin si qaan-gaadh ah, waxay u fikireen si ka hoosaysa”
Kolka hore wuxu isu dhigay in Dhilbahante ama Hartiba uu isaga yahay mawqifkooduna ku xidhan yahay in isagu uu madaxwayne ka noqdo Somaliland. Cid ku tidhi kama noqon kartid ama uma tartami kartid marka hore miyay jirtaa? Marka xiga Dhulbahante, Harti, ama Daaroodka Somaliland ma la hayaa meel ay isku raaceen in Ataash yahay kan keliya ee u qalma in uu Madaxwayne ka noqdo Somaliland. Waxan wiilka leeyahay ha caayin Dhulbahante imisa nin oo iaga ka mudnaa oo tiirarka Somalland ahaa ayaa caawa inaga hooseeya oo haldoorkii ummadda soomaaliyeed ugu mudan ka mid ahaa mid keli ahni ku hadlin waxa uu ku hadlayo wiilkani. Ilaahay dhamaantood ha u naxiisto eh. Ragii Garaad Cali Garaad Jaamac hogaaminayay ee Baligubadle SNM oo weli jabhada ugu yimi baa ka mid ah oo dhamaantood ka mudnaa Ataash. Bal ragii soo maray Somaliland Ataash oo aan jirin dib u eega.
Fagadhe
Qaybe
Sakhraan
Muuse Idaar
Cabdi Dhiboo
Saleebaan Daahir Afqarshe
Ilaa kii ugu dambeeyay ee Cali Khaliif Galaydh
Inta nool ee aan Ataash waxba u ogaynna ku dar ee gudo iyo dibaddba joogta
Saleebaan Xaglo toosiye oo Gudoomiye urur siyaasadeed ah siyaasaddana uu ugu yimi ma isaga ayaa iskala mudnaaday miyaanu geyin in uu Madaxwayne ka noqdo Somaliland. Aniga lafteeda ayaa wada Gudoomiye xigeenkii Halgan Maxamed Ismaciil Daarood eh miyuu quudhsan karaa wiilka ugaadhyahanna.
Ragga aan soo sheegay iyo qaar kaloo badan midna muu odhan sida Ataash “ Hadii anigu…..
Hadda wuxu ku socdaa khadkii Muuse u soo jeexay. Urur siyaasadeed samayso, doorashada hore ee madaxtooyadu ma jirto, ta ururada ayaan soo horaysiinayaa, waad soo baxaysa, doorashada madaxtooyadana waynu tartami doonaa. Matkaa isagu ha iska sugo Muuse labadii xisbi ee mucaaridka khilaafkoodana dan uma aha in uu u kala hiiliyo hadii hadiise uu runaysan yahay in Muuse Biixi ku filan yahayna miidaan waasac hana ogaado cidda uu u kala hiilinayaa in ay reero yihiin codna uga baahan karo berri ka maalin
waxa Qoray:
Mujaahid Cali Guray