Hargeysa,(Qaran news)-Musharaxa xisbiga Waddani Dr Abdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro, ayaa caawa ka guuray aqalkii uu ka deganaa galbeedka magaalada Hargeisa gaar ahaan xaafada Pepsi-ga.

Musharaxa Xisbiga Waddani ayaa caawa degay aqal ka balàadhan aqalkii uu hore u deganaa oo ku yaala bariga magaalada Hargeisa ee caasimadda Somaliland, sidoo kale waxa aad loo adkeeyay amniga musharax Cirro, arinkani ayaa ku soo beegmaaya xili ay gabi ahaanba ay fashilmeen wada hadaladii u dhexeeyay xukuumada iyo xisbiyada mucaaridka ah ee ku saabsanaa doorashada lagu waday in ay dhacdo 13 November, isla markaasina xukumaddu ay hakisay shaqadii gudiga doorashooyinka.

Tan iyo shalay ayaa tageerayaasha xisbiga Waddani ay ka dayrinayeen xaalada cusub ee siyaasadeed ee uu dalku galay, taasi oo baaqyo calculus ay ka saarayeen badiba gobolada dalka.