Musharaxa Madaxweynaha WADDANI oo Kulan Ballaadhan la yeeshay Dhallinyaro ka soo jeeda Saaxil iyo Maroodijeex

Hargeysa(Qaran news)-Musharraxa madaxweynaha Xisbiga WADDANI mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro oo ay weheliyaan Guddoomiye kuxigeen Maxamed X Yuusuf Waabeeyo, guddoomiye kuxigeen Axmed Cumar X Cabdillaahi Xamarje iyo Guddoomiyaha gobolka Saaxil ee Xisbiga Waddani Mudane Axmed Amerikan ayaa xalay kulan la qaatay Dallada Guud ee Ururka dhallinyarada TALOSAME ee Beelaha Saaxil ee ka hawl Gala gobollada Saaxil iyo Maroodijeex.

Kulankan oo uu soo Agaasimay Gudoomiyaha Gobolka Saaxil Axmed Cabdi Xirsi (American) ayaa Dhallinyarada iyo musharraxu ay si qoto-dheer iskaga xog Waraysteen baahiyaha ka jira deegaannada ay dhallinyaradu ka soo jeedaan iyo Qorshaha isbedel ee Xisbigu u hayo, waxaana kulanku ku Soo dhammaaday is fahan iyo wada Shaqayn Toggan oo ku Saabsan Xisbiga WADDANI.