Musharrax Cirro oo Baaqyo kala duwan u Diray Xukuumadaha Somaliland iyo Soomaaliya

Hargeysa(Qaran news) Murashaxa madaxweynaha ee xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Maxamed (Cirro) ayaa ugu baaqay xukuumadda Soomaaliya inay caddaaladda soo taagto ciddii dishay Marxuum Cabdinaasir Muuse Dahable.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay Soomaaliya una soo jeediyay inay meydka marxuum Cabdinaasir Muuse Dahable siiyaan qoyskiisasi ay u aastaan taasi oo ay xaq u leeyihiin

Murrashax Cirro wuxuu ugu baaqay Xukuumadda Somalilabd inay xoriyadooda u sii dayso dhallinyarada ay xidhay, gaar ahaan dhallinyarada ay ka soo xidhay Boorame oo uu sheegay in aan la garanaynin meel ay joogaan.