Writen by Qaran News |

Musku wuu sanqadhayaa, Masna Wuu ka Urayaa, Mooganida Marwooyinkiyo Madaxweynaheena, Malmal -li’ ida haysaa Mashaqiyo dhib weynaa!!!.W/Q. Khadar Cabdi Xasan.
“..Hal la qalay raqdeedaa
Lagu soo qamaamoo
Qalalaasihii baa
Nin ba qurub haleeloo
laba waliba qaybteed
Qorraxday ku dubatoo
Qoloftiyo laftiibaa
Lagu liqay qallaylkee
Qosol wuxuu ka joogaa
Qubannaa danbeeyee
Weli qaba hamuuntee
Buuraha qotada dheer
Ka arkaaya qiiqee
Qarka soo jafaayee.
Qalwadii masbaa galay
Qodax baase hoos taal
Fule quudhsigii diid
Geesi qoorta soo dhigey
Faras qaayihiisii
Qurux buu ku doorsaday
Qabqab dhaafay baa yimi
Qosol qoonsimaad noqoy
Qabyo waa halkeedii”. Ilahay ha u naxariisto Maxamed Xaashi Dhamac Gaariye iyo Maansadii Halla Qalay Raqdeedii.
Dulucda Maansadan waxaan uga socdaa Marin habowga iyo dheelitir la’aanta Mansabyada qaranka ee Madaxtooyadda Somaliland kolba u magacaabayso shaqsiyaad aan aqoon iyo waayo aragnimo midna lahayd.
Sidoo kale, Madaxtooyadeena laga hago dalka Somaliland cidda ka hawlgalaysaa ee maamulaysaa ama madaxda ka hawlgalaya wasaarada Madaxtooyadda waxa looga baahan yahay Inay ilaaliso Sirta iyo xoggaha Madaxtooyadda.
Hase-yeeshee Umma baahnaa Madaxtooyadda inay ka hawlgasho cid suuqyada kaga sheekeysa Sirta Dawladda oo marka uu kasoo baxo madaxtooyadda, intaa uu Huteellada yimaado hadhowna yidhaahda Kii Hebel ayaa cawa Madaxtooyadda soo galay, hebelkaas kale ayaa soo shaxaad tagay iyo shaqo maalmeedka ka socday dibeda usoo saaray.
Balse nasiib darro waxa ay tahay hadda waxa Madaxtooyadda Wasiirku xigeen looga dhigay Shaqsi leh astaamaha aynu soo sheegnay, kaasoo u abuuran Xin iyo xaasid iyo weliba Hebelkaas been abuuradku sammee. Sidaas daraadeed Madaxtooyadeena iyo madaxdeeda Madaxweynuhuu kowka yahay iyo weliba xubnaha qoyska Madaxtooyadda waxa la gudboon inay Fiiro gaar ah u yeeshan dhaqdhaaqaqyadda masuulka haya xilkan aynu soo sheegnay. Sidoo kale waxan ugu baaqaya Madaxda Madaxweynuhu ugu horreeya ee ka arrimiya qasriga inay degdeg uga dhex qabtaan masuulkan oo ay xata iska hubiyaan wararka uu dadka uga soo warinaayo. Maxaa yeelay masuulkaasi waa sharwade Mixnada hoggaamiye u ah, waxanu been abuurtaa cid kastaa oo isagga ka sumcad iyo Kartiba badan.
Waa Bilahi Tawfiiq
Khadar Cabdi Xuseen.
Hargeysa/ Somaliland.
Cabdi Khadar xuseen
khadarxuseencabdi@gmail.com