Writen by Qaran News |

Musuq-maasuq Hadheeyay Marsada  Berbera +Libaaxyo  &  Duurjoog laga dhoofiyo+Doorka Maareeyaha,yaase Dhoofiya?.

 

Hargeisa-(Qaran-news)-Sida ilo xogogaal ahi u soo dusiyeen Qarannews tan iyo intii uu xilka maareeyaha dekeda Berbera la wareegay Axmed Yuusuf Dirir waxaa soo yeedhaya ama soo baxaya dhacdooyin qariib ah oo yaab leh & Kuwa musuqmaasuq oo  Barbar socda balse aan weli Qasriga Madaxtooyada & Marwadu dhaadin oo meelo soke laga hago.
Aan ku horeynee waxa mudooyinkan danbe tan iyo intii uu xilka marsada Berbera haaneedka qabtay  Axmed Yuusuf Dirir isa soo taraya xoggo tibaaxaya in maadaba dhoofkii xoolaha debeda loo diri jiray yaraaday ama hakad yari galay in maareeyaha  Dekeda Berbera & Ganacsato ay Shuraako yihiin bilaabeen mashruuc cusub oo ay soo kordhiyeen oo aan hore u jiri jirin ,kaas oo ah dhoofka Ugaadha & Duurjoogta oo noqday caadi in si qarsoodi ah looga raro Marsada Berbera loona dhoofiyo wadamada carbeed siiba Dalka Imaraadka (UAE).

shabag

Ku darsoo Bishii hore dabayaaqadeedii ugu yaraan laba jeer ayaa xogguhu sheegeen in Duurjoog & Weliba Libaaxyo yaryar Nooca cagagbaruurka loo yaqaan oo laga keenay Itoobiya si qarsoodi ah looga raray Dekeda Berbera Xilli habeena,shixnadaas ayaa dad goobjooga ahi sheegeen Warfidiyeenka Qarannews in loo diro Dalka Imaraadka Carabta,Iyadoo la sii saaro qaar ka mid ah maraakiibta badeecadaha ka soo qaada Dubai oo shaqsiyaad reer Somaliland ahi wakiilo ka yihiin amaba wax ku leeyihiin.

 

Geesta kalena maareeyaha Marsada Berbera Mr.Dirir ayaa dhex dabaalanaya hawlo musuqmaasuq iyo Lacag urursi,wuxuuna si caadiyo oo aan cabsi ku jirin ula soo degaa Gaadiid raaxo iyo Kuwa Shixnadaha qaada.

 

Maareeyaha Dekeda ayaa dhawaan soo iibsaday laba baabuur oo noocyada qaaliga ah oo ah Land-cruisers uu isagu khaas u leeyahay,labada Baabuur ayaa waxaa marmar la istcimaalo ama ka amaanaysta Ganacsade Maxamed Aw-siciid & Gacan-yarayaashiisa.

 

land

Isku soo wada duuboo mudadii uu Maamulka Dekeda Berbera hayey Axmed Yuusuf Dirir ayaa waxaa xoogaystay ama soo kordhay Mashaariic uguba oo aan hore loo maqli jirin sida  arintan dhoofinta Duurjoogta ,waxayna qadiyadani iftiiminaysaa in waxyaabo kale oo kootarabaana oo dekeda Berbera laga dhoofiyaana jiraan,sidii Maandooriye & Shidaal Siyaasiyiinta Qaarkood carab-dhabeen in loo diro Xuutiyiinta Yemen ka dagaalama.

 

La soco Fadeexado kale oo ku taxaluuqa Guryo & Gaadiid uu iibsaday Maareeyaha Dekeda Berbera