Musuqmaasuq Xadhkaha Goostay Oo Ka Jira Wasaarada Warfaafinta JSL

Waaxaa maanta qaar ka kid ah warbaahinta ay  faafiyeen  qoraal  la sheegay inuu kasoo baxay fanaanada Sahra Ileys oo ka hadlaysay  musuq maasuq ka jira wasaarada warfaafinta Somaliland oo ay ku keceen masuuliyiinta wasaaradda Wasiir  Saleebaan Cali Koore iyo  agaasimaha Maxamed Yuusuf .
Waxaana  la sheegay in isla maanta Masuuliyiinta wasaaradda Culays ku saareen  Fanaanadda Sahra Ileys  inay wax ka tidhaahdo qoraalkaas kasoo baxay , laakiin Shaki kuma jiro in wasaaradda Warfaafinta JSL muqusmaasuq baahsan ka jiro arintan markii hore ay ogaayeen   shaqaalaha kala duwan ee wasaaraddaaas , sanadadkana dibedda usoo baxay, iyadoo   qoraalkan laga baahiyey fanaanadda   noqonaya  mid ka mid ah  musuqmaasuqa ka jira wasaaradda , laakiin ay maalinba maalinta ka danbaysa soo baxayaan  musuqmaasuqa baahsan ay gacmaha kula jiraan masuuliyiinta wasaaradaas.
Warbaahinta kala duwan ayaa sanadkan oo dhan soo bandhigayey muuqaalo iyo  qoraalo kala duwan ay ku  iftiiminayeeen  musuqmaasuqa ka jira wasaaradda warfaafinta somaliland,
  Qoraalkii laga baahiyey ee Fanaanadda Sahra Ileys ayaa u dhignaa sidan :-
“wasaarada warfaafinta Somaliland haddii lays barbar dhigo xiligii wasiir Guribarwaaqo iyo hadda oo uu Wasiir ka yahay Saleebaan Cali Koore agaasimena uu ka yahay Maxamed Yuusuf hantida la lunsaday iyo musuq maasuqu hadda ayey yihiin qaar xadhkaha goostay.
waxa la yidhi mayd maxaa u danbeeyey iyo kaa hadda la sii sido, barnaamijka kobci garaadkaaga oo ay maalgeliso shirkada Telesom lacagtii laga qaaday waxa intii badnayd kala goostay madaxda wasaarada oo ay ugu horeeyaan Wasiir Koore iyo agaasimaha guud Maxamed Yuusuf”