Writen by Qaran News |

Waxa dad badan ka yaabisay in garaadka Muuse Biixi uu qaato in uu saxaafada la hor yimaado wasiiradii ka soo jeeday beesha Garxajis siiba haw badnaadaan kuwii Habaryoonis iyo xubno la ololaynaayay xiligii doorashada oo aan haba yaraatee cidna matalin marka laga reebo ninkii ay xilka u hayeen ee xanuunsaday ee Siilaanyo oo mudo xileedkiisii uu dhamaaday, waxa naxdin noqotay in Farxaan Adan Haybe, Cukuse, Cadaani, Cawil Cali , ina Cabdi Dheere,Warancadde, Axmed Xasan Cigaal, Cabdilaahi Geeljire Bukhaari goorta ay noqdeen hogaamiye dhaqameed Garxajis ee warbaahinta dawlada laga sii daayay miyaanay taasi ahayn in garaadkii umadda lagu ciyaaro, miyaanay ahayn dagaal hor leh oo maanta uu Muuse Biixi ugu badheedhay beesha Garxajis ahayn oo shirweyne ka iclaamisay magaalada Hargeysa.

Xoogii Garxajis iyo intii umadda dhaqanka uga wakiilka ahayd waa inta maanta shirweynaha kaga dhawaaqday magaalada Hargeysa, hadii uu Muuse Biixi maanta dad la soo ururiyay oo u badan xubnihii Garxajis ee siyaasada ku jiray qaarkood ee waliba garabkii Kulmiye ahaa uu la shir yimid taasi waxa ay cadaynaysaa in laga tashan doono, oo aanay xubnahani wasiirada ah iyo siyaasiyiinta ah ee beenta u soo sheegayaa aanay reeraha waxba ka ahayn ee isaga uun ay dhagta wax u saari karaan oo ayna cid kale waxba u sheegi karin.

Subxaan Allahu

Siyaasiyiin mise hogaamiye dhaqameedyo

Muuse, Saylaci iyo xubno hore u fashilmay oo wasiiro soo ahaa iyo kuwo ahba

Fashilka ku iman doona waxa uu soo mul mulaaqi doono madaxweynaha jeegaanta oo soo urursaday dad fashilmay iyo kuwo aan beelaha ay ka soo jeedaan aan hor tagi karin arintaasi oo la sugi doono madaxweynaha jeegaanta waxa ka danbayn doona

 

 

Halkani ka daawo shirka  garxajis iyo shirka ay iclaamiyeen ee ka madax banaan xukumadda jeegaanta iyo caada qaatayaasha, waana gudiga dhabta ah ee ku hadli karta magaca beesha ee ah dhiga jeegaanta Burco ku soo shirtay