Muuse Biixi Somaliland oo dhan baa u baahan in la ga badbaadiyo, gaar ahaan na, H/awal, Sacad Muuse!
(Oo maxaan sidaas ku keenay amma u idhi? Qormadan kooban baan taas ku fasirayaa)
Xagaagii sanadkan (horaantii July), baanu magaalada Hargeysa geesta galbeed u ga baxnay aniga iyo niman kale. Waxa na waday nin dhismaha iyo iibka dhulka xoog u gu dhex jira magalaada Hargeysa guud ahaan, gaar ahaan geesta Galbeedka/Waqooyiga magaalada. Mar aanu baabuurka ka degnay oo lugaynaynay dhul wada sees ah oo dhismuhu ku yaryahay, baan ninkii ku idhi – horta dadkii badnaa ee guryahooda la dumiyay dhulkooda na Muuse qaatay xagee ku dambeeyeen? Ninkii odayga ahaa wuu yar qoslay, waxaanu yidhi – dadkaas intoodii isaga jifadiisa hoose ahayd, waxa uu dhul ka siiyay meel dhinacaas Waqooyi imika inoogu beegan, oo qofkiiba boos 10-by-10 mitir ah loo joogsaday, laakiin waa dhul biyo mareen ah oo iliilado waaweyni ku furanyihiin. Hadii aanu daadku caruurta ka qaadin, u gu yaraan intaasi wax uun bayba heleen, laakiin dadkii kale oo u badnaa Sacad Muusaha kale, cidina lama hadlin, buu yidhi. Yacnihii, idinka ayay idin jirtaa Meesha aad tegaysaan!
Waa dadkii subax uun ciidanka iyo xabadda la gu bilaabay ee xataa haweenka qaarkood naasaha xabadda lagaga dhuftay. Waa fadeexadii mudada badan odayaashu ay doonaayeen in ay si uun xal u gu helaan, ee Muuse uu diiday in uu Meesha xoog ku qaato mooyee wax kale. Tani khiyaali iyo sheeko filim ma aha ee waa xaqiiqo horteena ka dhacday, oo aynu wada ogayn. Waa xaqiiqo aan iskeed u taagnayn ee xaqiiqooyin kale ku dhafan, ama dhinaca ku haysa. Dad badani waxa ay taas ka ga jawaabeen, waa Muuse oo reerkiisii jiidhjiidhaaya ee maxaa inaga galay. Afka xataa hadii aan la ga odhan, dad badan baa fikirkoodu sidaas ahaa, waana ta keentay in uu Muuse waxaas iyo waxyaabo kale ba ku dhiirado.
Geesta kale, horaantii 2018, Muuse waxa uu bilaabay sheeko odhanaysa in uu madaxtooyo dhisaayo, waxaanu goostay in uu nin Maxamed Xassan-dalab la yidhaahdo dhul ka qaado, oo dhismaha madaxtooyada u gu marmarsooday. Arrintaas sheekadeedu waa dheerayd, laakiin iyada oo kooban waa sidan – dhulkaas oo aad u balaadhan, oo aan ninkii lahaa na magdhow iyo bedelaad midnaba la siinin, muddo dheer ayay dhulka is ku haysteen wiilal jabhaddii ahaa oo Muuse ay qaraabo yihiin. Markii uu Madaxweynaha noqday, Muuse waxa uu u yeedhay ninkii dhulkaas lahaa, waxaanu yidhi – nimankan tolka ah ee Meesha ku gu haysta wax u ogolow, inta kuu soo hadha na, qaado oo aan dacwadda dhulkaas ka saarno maxkamadaha. Soo jeedintaas wuu ogolaaday mulkiilihii dhulku, Muuse na, sidii balantu ahayd, waxa uu isla meeshii tel ka u gu wacay Gudoomiye Aadan Xaaji Cali, waxaanu u sheegay in uu dhulkaas faylkiisa ku wareejiyo ninka is ka leh, dacwadaas na uu xidho. Waaba intaas. Maxkamad iyo hanaan dacwadeed ma jiro. Go’aanka ka ma dambaysta ah Muuse ayaa ka gaadhay, Maxkamadda sare na ammar buu siiyay. Maxkamad baa madax banaan hadii aad maqashid, waa faalso ee ogow.
Ninkii dhulka lahaa – Maxamed Xassan-dalab – markii uu faylkiisii gacanta ku dhigay, ayuu telefoonadii bakhtiistay. Muuse ayaa maalin dambe u yeedhay, waxaanu ku yidhi – heshiiskii miyaad ka baxday? Isna waxa uu yidhi – faylkaygii iyo dhulkaygii waan haystaa, miyaa la is dhacayaa? Is la maalintaas ayay dhalatay sheekada in dhulkaas la ga dhigaayo madaxtooyo, xabad baana lagaga kiciyay dadkii lahaa. Arinta yaabka leh baa ah, in ninka dhulka la ga qaaday inantiisa uu qabay Wasiirada Muuse midkood – Maxamed Muuse Diiriye. Maalintii ciidanku dhulkaas galay, xaaskii wasiirka iyo hablihii uu wasiirku dhalay, oo ninka dhulka la ga qaadaayay uu awow u yahay, ayaa feedh iyo laad askartu la dahcaysay oo xoog Meesha lagaga saaray iyaka oo barooranaaya. Inta ay waxaasi dhacaayeen, Wasiir Maxamed M. Diiriye waxa uu ag fadhiyaa Muuse, oo wasiir u yahay, oo maalin walba ay kulmaan. Xataa ma odhan karo maxaad xaaska iyo hablaha ii gu gacan dhaaftay, xataa ma is casili karo, waanu la joogay ilaa uu Muuse ka eryay. Qisadaasi waxa ay si is ku mid ah sawir u ga bixinaysaa shakhsiyadda Muuse iyo dadka agg jooga nooca damiirkoodu yahay; waa wada Maxamed Muuse Diiriye. Waa suurow in dadka qaarkii ay waxaas rumaysan waayaan, laakiin waa xaqiiqo la hubo.
Tobanaan sheeko oo kuwaas aan tusaalaha u soo qaaday la wada jaad ah, amaba ka sii foolxun ayaa dadkii ay ku dhacday amma dad ehel/asxaab la ahi ii ga warrameen. Nin Sacad Muuse ah, oo SNM na odayasheedii ka mid ahaa, marar badan na SL wasiir ka noqday, ayaa xaaskiisu u timid nin aannu saaxiibo nahay oo dhismaha ka shaqeeya, ma aha kii hore ee la soco. Waxa ay tidhi gabadhaasi, laba dhul oo aannu lahayn, ayuu midkood Muuse qaatay, kan kale na waa suurow in uu u soo dhigto. Sidaas darted, ayay tidhi, waxa aan doonayaa in aan dhulkaas dhismo ka sameeyo. Ninkii qandaraaska la siiyay baa ii ga warramay. Xaaskii Cigaal, Marwo Kaltuun waad ka wada aragteen TV yada, arrintii dhulkeedu Meesha uu ku dambeeyay na waa la wada ogyahay. Nin ka mid ah gudigii beesha Sacad Muuse ee shirkii Hoodaale, waxa uu noo ga warramay markii shirkaasi soo dhamaaday, ee gudigaas oo Sh Cabdilqaadir madax u ahaa na la sameeyay, ayay la kulmeen Muuse. Si ay ku timid ba, Cigaal ayaa sheekadii soo galay, Muuse na waxa uu yidhi – aniga oo aan ka aar goosan buu I ga dhintay. Sida muuqata, Kaltuun buu ka gooyay intii uu Cigaal la jeclaan lahaa. Hadaba, hadii intaasi tusaalayaal koobkooban inoogu filantahay, halkan micnaha ku jiraa muxuu yahay? Aniga malahayga, Shanta qodob ee soo socda ayaa ku jira:
1. Muuse reerka uu ka dhashay si dadnimada ka baxsan buu u la dhaqmaa, oo u muquuniyaa. Xaqiiqo waxa ah in ay waxaas ka xunyihiin, laakiin se ay dareemayaan in aanu jid u furnayn.
2. Muuse wax kastaa oo ay ahayd in la xeeriyo, oo ay ahayd in la ixtiraamo, ma xeeriyo oo ma ixtiraamo. Ku takri falka awoodda iyo dadka uu jiidhjiidhaayo waxa uu u arkaa in ay tahay raganimo, geesinimo, libaaxnimo iwm.
3. Muuse waxa uu u haystaa awoodda dawladnimadu in ay tahay, wax uu ku aargoosto, oo cidda uu doono ku cabiidiyo, gaar ahaan reerkiisa, oo uu u arko in aanay godobi ku raacayn haba yaraatee. Ficilada uu ka sameeyay Waqooyiga/galbeedka Hargeysa, xaafad kale oo uu ka sameeyay ma jirto.
4. Muuse waxa uu u arkaa awoodda dawladnimadu kol hadii ay gacantiisa soo gashay, intaas oo xasaradood iyo godobood na urursaday, in aanu xukunka/awoodda sii daynin inta uu noolyahay, si kasta oo uu ku sii haysan karo na uu sameeyo. Caqiidada dhabta ah ee uu Muuse ku shaqaynayaa taas weeye, is la sababtaas baanu u samaystay ‘Madaxtooyo’ ku taalla geesta galbeed ee magaalada.
5. Hadii aynu is la garanay intaas hore, imika waa in ay kuu caddaato sababta uu ergo kasta iyo xal kasta oo suurtagal ah, oo xasaradda haatan taagan xal u noqon lahayd u micno tiray, ee si amaba si kale u burburiyay. Waa ku dheganaan awoodeed, ma aha, sida uu had iyo goor hseego, ku dheganaan sharci.
Sidaas darted, Somaliland ayaa guud ahaan u baahan in Muuse la ga badbaadiyo, gaar ahaan na, H/Awal, gaar ahaan Sacad Muuse ayaa u baahan badbaado. Taasi waa xaqiiqo.