Muwaadiniin Reer S/land Ah Oo Dacwad Ka Dhan Ah Xukuumadda M/weyne Muuse Biixi U Gudbiyay hay’adda xuquuqal insaanka ee Amnesty International

Cabdi Aadan iyo Xasan Finiin oo madax ka ah hay’adda Somaliland AID oo fadhigeedu yahay dalka Ingiriiska ayaa xafiiska hay’adda xuquuqal insaanka ee Amnesty International ee dalka UK u gudbiyay warbixin ay kula socodsiinayaan tacadiga iyo xadhigga xukumadda Somaliland u gaysanayso madaxda iyo taageerayaasha mucaaradka.

Muwaadiniintan reer Somaliland ayaa gudbiyay warbixin ay diiradda ku saareen xadhigga Yuusuf Nuux Yuusuf (Tadhase) Xoghayaha Ciyaaraha Xisbiga WADDANI, Guddoomiyaha gobolka Maroodijeex ee Xisbiga Mawliid Kayse Muxumed (Mawliid Qaro) iyo xubnaha kale ee Golaha Dhexe ka tirsan ee Baki ku xidhan.

 

ADVERTISEMENT