Muxuu Ingiriisku sameynayaa haddii la weeraro Sweden iyo Finland ?

Dalalka Ingiriiska iyo Sweden ayaa wada saxiixday heshiis iskaashi oo dhinaca amaanka ah .

Iyadoo ka hadlayey shir jaraa’id oo wada jira ayey ra’iisul wasaaraha Sweden Magdalena Andersson waxay ka sheegtay in haddii labada dal midkood la soo weeraro , ay labada dal midba kan kale uu gacan siin doono .

Ra’iisul wasaaraha ingiriiska Boris Johnson ayaa sheegay in Sweden ay heysato taageerada Ingiriiska haddii ay go’aansato in xubin ka noqoto NATO iyo haddii kaleba

Ra’iisul wasaaraha Ingiriiska ayaa saxiixay baaq dhinaca ammanka ah oo uu la galay dalaka Sweden iyo Finland oo ku sheegaya in Ingiriiska uu taageeri doono ciidamada labadaas dal haddii la soo weeraro.

Boris Johnson ayaa booqday labada dal oo ka fekeraya in ay ku biiraan isbaheysiga Gaashaandhigga e NATO.

Ruushka ayaa ka digay cawaaqibka ka dhalan kara haddii Sweden iyo Finland ay ku biiraam NATO kuwaas xubnahooda ay u arkaan haddii xubin ka mid ah la weeraro ay ula mid tahay in iyaga oo dhan la soo weeraray.

Laakiin Sweden iyo Finland labadaba waxay leeyihin taariikh dhexdhexaadnimo oo xilliga dagaalka -waxayna labada dal arkeen in dadkoodu taageersan yahay in ay ku biiraan NATO Taas oo ka dhalatay duullaankii Ruushka ee Ukraine .

Finland ayaa iskaashiga noocan ah ku tilaamantay mid loo baahnaa

Ra’iisul wasaaraha Ingiriiska ayaa mar la weydiiyey in ay dhici karto in ciidamada Ingiriisku ay dhici karto in ay cagaha dhigaan Finland haddii la weeraro waxaa uu sheegay in arrintaa ku xiran hadba nooca codsiga kaalmo ee kayimaada Finland .

Finland iyo Ingiriiska waxaa kale oo ay iska kaashan doonaan dhinaca Militariga .