Dacarta Cas waxaa laga helaa meelo badan oo ka mid ah Soomaaliya, hase yeeshee khubarada dhinaca seyniska waxay aaminsan yihiin inuu yahay geed dhif ah oo ay adag tahay in la helo.

Horaantii sanadkii lasoo dhaafay, Dr. Mary Barkworth oo baratay Cilmiga Botony, kana ka tirsan Jaamacada Utah State University USA, ayaa geedkan oo afka qalaad lagu yiraahdo “Asphodelaceae” ka heshay Somaliland. Markii ugu horreysay waxay ku aragtay madxafka Jaamacadda Hargeysa.

Maqaal ay ku daabacday wargeyska PUBFACTS, ee soo bandhiga xogaha seyniska, ayey ku sharraxday in geedkaas uu ka duwan yahay dhirta dacarta ee laga helo caalamka intiisa kale.

‘Annaga ayaa uga horreynay’

Dr Barkworth ayaa diiwaanka ku gashay in loo aqoonsan yahay inay garatay geedkaas dhif iyo naadirka ah.

Barfasoor Yaxye Sheekh Caamir, oo ah aqoonyahan ku takhasusay cilmiga dhaqaalaha, ayaa sheegay khubarada reer galbeedka ay mar walba magacooda ku qoraan helitaanka waxyaabo caadi ka ah bulshada Soomaalida dhankooda, si fiicanna ay muddo dheer usii yaqaanneen.