Halkaaseynu mareyna qaran ahaan mansha allaah
Nabad galyaddu waa furaha guusheena dal ahaan

Waxyaabaha la inagu majeeranaya waa ciidankii madaniga eynu qarameyney. Waa Nabadii Ceel afweyn. Waa Gogosha Nabadda ceergaabo taal ee inta yari inooga hadhsan tahey. Waa isfahamka heshiiska Amniga eynu la galney Puntland. Waa fahamka siyasadeed ee hogaanka dalku ku socdo

Waxaasi waxey soo jiidanayaan indhaha caalamka
Dalka horumar iyo mashariic baa u soo socota waxa dhowaan isna la ansixinaya dhaqalha USA siin doonto JSL. Intaasiba waxey u baahan tahey xasilooni iyo dowladdnimo iyo waddajirka umadda

Markaa caqli beynu ku shaqeyneyna. Waxwalba oo dhacana dowladdnimada iyo xilkasnimo ayaynu ku wajaheyna inagoo isku duuban shacab ahaan iyo xukumadd uu hogaaminayo H.E Cabdiraxmaan Cirro

Hadaba intaasiba caddow fara badan bey leedahey oo wajiyo badan xidhan oo dowladdo shishiye ku jiraan. Waxeynu cidwalba kaga adkaaneyna ineynu dhexda xidhano. Fahamo waxwalba oo socda bulshadeena wacyi gelino. Xukumaddu shacabka marwalba baraarujiso. Cid walba oo isku deyda iney carqaladeyso eynu wax u sheegno hadaaney wax fahamsaneyn.

Kuwa meelo kale ka yimaadda eynu gacan bira ku qabano. Dhowr jeer baa la isku dayay in waxyaabo badan la inagu soo dhex tuuro caqli iyo masuliyad iyo waayo aragnimo iyo xogogaalnimo kaga dabaalaney. Markaa reer Somaliland gobol walba aad joogtaan. Qodobka kowaad aad ilaalineysa waa Amaanka guud ahaan. Ha nacasoobina

Somaliland Guul
Mufadeena maraqkujirta
Waa halkii reer xamarke

Qof walba oo Muwadina
Waajibka saarani waa calanka
Ciida iyo ilaalinra qaranimadda

Hon-Envoy Abdirizak Diinaari