Writen by Qaran News |

Falanqaynta Qalinka Xassan Cumar Hoorri

Caolaad soo jiitamaysay 20 sannadood, dhimashada 80,000, qaxa boqolaal kun, adeegsiga jabhado la isku afgembiyo, iyo kala qoqobnaanta labada shacab ee isu boholyoobay, Ra’iisal Wasaare Abiy Axmed waxaa uu, muddo bil gudaheed ah, ku soo afjaray nabadayn, oohin kalgacayl, iskaashi iyo gaadada oo uu gaadada u saaro dhiggiisa Madaxweyne Isaias Afawerki.
Durbaba waxa soo yeedhay baaqii nabadda
“Waxaa aan ku heshiinnay in dib loo furo safaaradahii labada dal, in la isu furo shacabka iyo xuduudaha labada dal, in la isweydaarto duulimaadka ganacsiga ee dayuuradaha iyo in Ethiopia si xor ah uga adeegato dekadaha Eritrea,” ayuu sheegay Abiy Axmed isagoo ku ladhay. “Jacaylka ayaa ka awood badan hubka casriga ah, taangiyada iyo gantaalada. Jacaylka oo keliya ayaa lagu hanan karaa quluubta dadka. Maantana, jacayl ayaa ka adeegay, halkan, Asmara.”
Saddex maalmood ka dib, safarkiisii taariikhiga ahaa ee uu ku tegay Asmara, weli jidadka iyo farasmagaalaha caasimadda Asmara waxaa ka sii babbanaya calanka Ethiopia. Dadkuna waxaa ay ku luuqaynayaan amaanta madaxda isu soo helowday iyo yididiilada shacabka isu boholyoobay.
Haddaba, tan iyo amintii loo dhaariyay xilka, April 2018, Ra’iisal Wasaaraha Abiy Axmed Cali, waxaa uu ku dhawaaqay isbedello aad u culus. Isbedello runtii ahaa dhuxul danbas huwan, horena ay ugu dhici waayeen xukuumadahii ka horreeyay ee xisbigiisa EPRDF. Abiy Axmed ma aha Males Zanawi. Hase ahaateee, waxaa soo ifbaxday in uu maclinkiisii kaga duwan yahay ku dhaca in uu saxo waxii ka xumaaday iyo ku dhiirrashada inuu ku tallaabsado waxii uu ka gaabiyay. Intaa waxaa u sii wehelisa in uu yahay hoggaamiye hore u soo qorshaystay jidka u marayo isagoo, mar kasta, dhawaaqiisa ku ladha ficillo si xawlo ah ku socda.
Sidaa awgeed, mar kale, Ra’iisal Wasaare Abiy waxaa uu ku dhiirraday tallaabo ismiidaamin ah markii uu maalmo ka hor ka degay Asmara, magaalo-madaxda Eritrea. Waxaa ka go’nayd nabadayn kama danbays ah in uu kala xaajoodo Madaxweyne Isaias Afawerk. Waxaana uu kala soo ambabaxay guul lama filaan ah iyo arrin amankaag ku noqotay qof kasta.
Dad badan ayaa socdaalkiisa u arka tallabo ay ku dheehan tahay geesinimo taasoo horseedi doonta xasilinta colaaddii ugu ba’nayd ee Geeska Afrika. Balse, xeeldheerayaal kale oo uu kuur gala gobolka ayaa ku micneeyay fajac iyo qar-iska-xoornimo. Waxaana ay tibaaxeen safarkiisa in uu dacar leefsiiyay, ladhna ku kiciyay qaran-raaca (nationalists) ee qaba in aan si fudud loo lumin dhiiggii tobanaan kun oo ku qudh-baxay dagaalladii labada dal. Kuwaasoo, aaminsan Eritrea in ay ka mid tahay Ethiopia.

Waxaa ay ahayd 6dii June markii Abiy Axmed uu ku dhawaaqay dalkiisu in uu xurmaynayo go’aankii Komishanka Maxkamadda Hague ee Qaramada Midoobay ku kala xadeysay soohdimaha labada dal 2002. Xukunka iyo Dhexdhexaadintii Jazaa’ir waxaa u hoggaansamay xukuumaddii Madaxweyne Males Zenawi. Hase yeeshee Ethiopia waxaa ay hakad gelisay in ay ka kacdo degaanka Badme oo loo xukumay Eritrea.
“20 sannadood oo colaaddu dhex miranaysay labada dal waxaa aan ka dheefnay welwel,” ayuu tibaaxay Abiy Axmed isagoo ku ladhay, “waxaa loo baahan yahay awoodeenna in aan u jeedinno dhanka nabadda, dib-u-heshiisiinta iyo in aan ka dhex muquuranno colaadda iyo kala qaybsanaanta. Weliba in aan diiradda saarno sidii xididada aan ugu siibi lahayn saboolnimada.” Waxaana uu carrabka ku dhuftay “walaaltinimada” iyo “wada dhalashada” ka dhexaysa labada shacab isagoo hoosta ka xarriiqay in uu u hanweyn yahay iskaashi dhaqaale oo dhex mara Asmara iyo Addis Ababa.
Haddaba, 6dii June, isla markii uu soo yeedhay dhawaaqa nabadaynta Eritrea, dibadbaxyo lagaga soo horjeedo waxa ay ku sheegeen “wada tashi la’aanta” Ra’iisal Wasaarahu u maaraynayo degaanka Badme ayaa laga aloosay Dawladda Degaanka Tegrayga. Waxaana ay ku sheegeen dhul ka tirsan gobolkooda, ayna ku dhaqmaan dadkoodu. Degaankaas Ethiopia waxa ay ku soo ceshatay gulufkii 1998.
Sideedaba, aragtidaa Dawlad Dhex “Centralist” oo lid ku ah siyaasadda Abiy Axmed waxaa si gaar ah ugu dheggan qoomiyadda labaad ee dalka ugu tirada badan ee Amxaarada. Sidoo kale, waxaa la qaba qoomiyadda ugu tugtugta roon ee Tigrayga oo dalka ka talinaysay waayahii Boqortooyada Axum iyo 27kii sannadood ee u danbeeyay.
Qoomiyadaha Oromada iyo Amxaarada oo ka badan 50% tirada dadweynaha ayaa ahaa kuwa Ra’iisal Wasaaraha u fududeeyay xil aanu tolkiis (Oromo) weligood haweysan. Isbedelka xukuumadda iyo doorashada Abiy Axmed waxaa ka danbeeyay dibadbaxyo is dabajoog ahaa oo dalka ka curtay sannadkii 2015 kuwaas oo sababay dhimashada boqolaal qof iyo xadhiga kumanyaal kale. Sannadkii 2016 Bendoo toban bilood ah oo lagu soo rogay dalka waxaa ka gilgishay oo aa u jixinjixin kacdoonkii shacabka sida dhallinyarada Qeerroo ee Oromiya, Fanno ee Amxaarada iyo Zerma ee Beesha Gurague ilaa, ugu danbeyntii, Feb. 2018 uu iska casilay RW Hailemariam Desalegn markaas oo la soo doortay Abiy Axmed.
Abiy Axmed waxaa loo aqoonsaday in uu yahay isbedel-doon, balse laga ma filayn in uu toban toddobbaad ku fuliyo hawshii laga sugayay sannadaha uu xilka hayn doono. Waxaa uu u gogol xaadhay hannaanka xisbiyada badan, dimuqraadiyad dhab ah iyo xorriyadda erayga. Waxaa uu oodda ka qaaday maxaabiistii u xidhnayd siyaasadda iyo aragtidooda. Waxaa uu laalay xukunkii degdega ahaa. Isla markaana, waxaa uu u guntaday xasilinta nabadda gudaha isagoo markii xilka loo dhaariyay, maalmo gudahood, u kicitamay Dawlad Degaanka Somaalida, Jigjiga, taasoo uu u arkay in ay fure u tahay nabadda gudaha.
Waxaa uu si degdeg ah iyo sida hillaaca socdaallo ugu kala bixiyay Jabuuti, Sudan, Uganda, Rwanda, Kenya, Masar, Somaaliya iyo meel kastoo danta dalkiisu ku jirto.
Waxaa uu heshiisyo ka galay dekedaha Jabuuti, Port Sudan, Mombasa, Somaliya iyo Eritrea oo uu hadda qalinka ku soo duugay. Waxaana uu taageeray heshiiska dalkiisu kula jiro Dekedda Berbera, Somaaliland.
Waxaa uu furfuray dhaqaalahii dalka isagoo dalalka deriska ugu yaboohay in ay wadaag ka galaan shirkadaha yahaaburka ah ee dalkiisa sida Ethiopian Airlines. Ethio Telecom, shirkadaha gaadiidka iyo tamarta oo ay xukuumaddu gacanta ku hayso. Waxaana uu xilka ka qaaday taliyayaashii hay’adaha amniga sida ciidanka, booliska iyo nabadsugidda.

Haddaba, xawliga isbedel ee uu ku socdo Raiisal Wasaare Abiy Axmed ma laga yaabaa in uu u horseedo kuf iyo burbur mar haddi uu si toos ah ugu horyimid madaxdii ciidanka, siyaasadahii Qoomiyadaha Amxaarada iyo Tegrayga oo ka soo horjeeda nabadaynta Eritrea iyo weliba furfurka dhaqaalaha oo saamaynaya maalqabeenka dalka ee ku tanaaday kootada iyo nidaamkii dhaqaale ee iyaga u xidhnaa?
“Shacabka Eritrea maanta waxaa ay fursad u heleen in ay cabbiraan jacaylka dhabta ah ee ay u hayaan walaalahooda Ethiopia,” sidaa waxaa ku tiraabay Madaxweyne Isaias Afawerki, waxaana u ballanqaaday in ay si wadajir ah ugu hortegi doonaan ciddii ka hortimaada go’aanka nabadeed. “Waxaana aan malayn karayaa culayska Ra’iisal Wasaarahu ku qaatay go’aankan. Se waxaan u ballan qaadaynaa in aan la wadaagno dhibaato kasta oo soo wajahda.”
Dhinaca kala xeeldheerayaasha ka faallooda arrimaha gees ayaa digtooni ka muujiya tallaabooyin Ra’iisal Wasaare Abiy Axmed. Waxaa xusid mudan qaraxa bamkii lala beegsady 23kii June, 2018 isagoo si rayrayn laha uga hadlayay fagaaraka Meskal oo ay isugu soo baxeen dhowr milyan oo qof, taageerayaasha isbedelka uu la yimid.
“Tallaabo kasta oo uu si degdeg ah u qaaday shacabku aad ayay ugu naaloodeen,” ayuu sheegay Awol Allo, oo u dhashay Ethiopia sharcigana (law) ka dhiga jaamicadaha Britain. Balse, waxaa uu walaac ka muujiyay degdega uu ku socdo isbedelku.
“Waxaa aan ka welwelsan ahay sida degdega ah ee uu isbedelka u boobsiinayo iyadoo dalka aanay ka jirin hay’ado dimuqraadi ah oo difaaca siyaasadiisa iyo waxqabadkiisa horusocodka ah.” “Dadku waxaa ay u barteen nidaam jiitama kasoo wax kastoo dib-u-dhac ah dusha laga huwiyo shacabka,” ayuu hadalkiisa ku soo gunnaanaday Awol Allo.
Haddaba, waxaa hubaal ah shacabku in uu ku diirsaday, kalsooni badanna uga korodhay waxqabadka Ra’iisal Wasaare Abiy Axmed. Hase ahaatee, waxaa isweydiintu tahay xisbiga soo doortay (EPRDF) mawqifka uu ka qabo talloobooyinka uu ku kacay ilaa maanta. Ogow, xubnaha Xisbiga EPRDF ee gacanta ku hayay talada dalka 27kii sannadood ayaa shacabku u aanaynayaan waxyeeladii soo gaadhay dadka iyo dalka mudadii ay ka arriminayeen. Waxaana ay sharraysan karaan waxqabad kasta oo lid ku ah danahooda, wiiqaya awoodooda, isla markaana, tirtiraya raadkooda siyaasadeed.
Si kastaba ha ahaatee, waxaa la filayaa xisbiga EPRDF, Golaha Dhexe, in uu shirweyne isagu yimaado bisha soo socota. August. Halkaas waxaa aan ka halbeegi doonnaa inta uu sii socon karo geeddi-socodka nabadeed iyo horumarineed ee Ra’iisal Wasaare Abiy Axmed Cali. Waxaa kaloo, isweydiin mudan taageerada uu ka heli karo shacabka, deriska iyo bulshada caalamka haddii dabaylo kaga kacaan shirka. Sida aan maalayn karaynno, marnaba, shacabka Ethiopia iyo bulshada caalimku raalli ka ma noqon doonaan wax kastoo dhicisaynaya isbedelka dhabta ah ee ka curtay Ethiopia kaasoo tilmaam ku dayasho mudan oo ah Qaaradda Afrika.
Xassan Cumar Horri waa suxufi ka faallooda arrimaha Geeska iyo Bariga Dhexe. Kala xidhiidh hassan.horri@gmail.com ama ku tixraac Twitterka @horrimania