NADIIFINTA IYO UDGOONAYNTA JIDHKA LAMMAANAHA KA HOR RAAXADA

Maadaama xidhiidhka galmada ee wanaagsan uu muhiim u yahay dhawridda guurka, waa in sayga iyo ooriduba siiyaan arrintaaas tixgelinta ay mudan tahay. Haddaba, si sayga iyo ooridu u yeeshaan xidhiidh raaxo oo wanaagsan una xiiseeyaan, waxaa muhiim ah in jidh ahaan iyo naf ahaanba labaduba ugu diyaargaroobaan raaxada oo si fiican jidhkooda u nadiifiyaan, udgoonna isu-mariyaan.

Waa in sayga iyo ooriduba ay muhimad gaar ah siiyaan u diyaarinta naftooda iyo jidhkoodaba galmada si ay raaxada ugu weyn uga helaan kulankooda. Waxaa Sunnah ka mid ah in lammaanuhu ay jidhkooda iyo afkooda nadiifiyaan iyaga oo isticmaalaya cadayga iyo waxyaabaha jidhka udgooneeya, waxaana habboon inay qaataan qubays fudud si looga fogaado waxkasta oo raaxada u keenikara wiswis sida af uraya, kilkilooyin shiiraya, xubinta taranka oo shiirta, arrimahaas oo damiya hammadda iyo xiisaha loo hayo galmada, oo xataa saamaynkarta guurka haddii urka iyo shiirku noqdaan wax joogta ah.

Abu Hurayra (R.C) waxaa uu soo weriyay in Nebigu (S.C.W) yidhi: “Waa xaq Allah ku leeyahay in qofkasta oo Muslim ah uu (ugu yaraan) qubaysto hal mar todobaadkiiba.” (Saxeex Al-Bukhaari 898, Saxeex Muslim 849).

Waxaa kale oo Sunne ah in sayga iyo ooriduba markasta iska xiiraan ama gooyaan timaha ka soo baxa xubnaha taranka korkooda, timaha kilkilooyinka, cidiyaha faraha, isla markaana joogto u cadaydaan una nadiifiyaan jidhkooda.

Caa’isha (R.C) waxay ka soo werisay Rasuulka Ilaahay (S.C.W) inuu yidhi: “Toban (10) shey waxay la xidhiidhaan abuuriddda: Shaarubo gaabin, gadh-bixin, is-ticmaalid caday, biyo ku nadiifin sanka, ciddiyo gurid, dhaqidda xubnaha faraha,, ciddi-ku-goyn timaha kilkilooyinka, xiiridda timaha xubnaha taranka, iyo dhaqid xubnaha taranka.” (Muscab Bin Sheyba oo arintan ka soo weriyay Caa’isha (R.C) waxaa uu yidhi: ‘Ka tobnaad waan illaaway waxaanse u malaynayaa inuu ahaa luqluqashada afka).” (Saxeex Muslim 261, Sunanka An-Nasaa’i 5040, Saxeex).

Udgoonka iyo is-qurxinta ooridu waxay qaybweyn ka qaataan u diyaargarowga raaxada. Sidaas daraadeed, waa in ooridu xaqiijisaa in aanu jidhkeedu, afkeedu, kilkilooyinkeedu iyo xubinteeda taranka marnaba urin ama shiirin. Waa inay si joogto ah u qubaysataa, udgoon isu-marisaa (guriga dhexdiisa), dharka iska bedeshaa (haddii ay awoodo dhaqaale ahaan), afkeeda cadaydaa, is-qurxisaa (sida xinne is-marin), qolka jiifkana nadiifisaa una shiddaa ama ku buufisaa udgoon (sida uunsi, cadar iwm).

Oorida leh dhaqamadaas wanaagsan waxaa ninkeedu dareemaa inuu nasiib fiican u helay oori soo jiidata qalbigiisa. Oorida macaan, debecsan, nadiifta ah ee udgoon waxay soo jiidataa ninkeeda halka oorida qallafsan ee ad-adag ama jidhkeedu iyo afkeedu shiiro ama uro uu diido qalbiga ninkeedu oo xataa ay damiso hammadiisa xilliga galmada. Oori is-qurxisa oo u debecsan ninkeeda xilliga raaxada waxay xataa aad muhiim ugu tahay guusha guurka. Is-qurxintan ay ooridu isku qurxiso saygeeda oo soo jiidata qalbigiisa waxay xataa ka goysaa inuu u hawoodo ama eego haween kale. Qurxinta jidhka ee haweenka waa waxa lagu kala garto ragga iyo dumarka.

Caa’isha (R.C) waxay soo werisay oo tidhi: Haweeney ayaa doontay inay gacanteeda daaha dabadiisa Rasuulka Ilaahay (S.C.W) uga dhiibto warqad, dabadeed Nebigu (S.C.W) waa ka xidhay gacantiisa, waxaanu yidhi: “Ma garanayo in gacantanu tahay mid nin ama mid haween.” Haweeneydii ayaa tidhi: ‘Maya, waa haweeney.’ Nebigu (S.C.W) waxaa uu markaas ku yidhi: “Haddaad tahay haweeney, ciddiyahaaga ayaad ku muujin lahayd (taas oo Nebigu (S.C.W) ula jeeday xinne is-marin.” (Sunanka Abu Dawuud 4166, Saxeex).

Sidaas oo kale, waa in saygu isna ku dadaalaa nadaafadiisa iyo quruxdiisa si uu u soo jiito qalbiga ooridiisa. Waa inuu si joogto ah u qubaystaa, cadaydaa, dharkiisa u nadiifiyaa, udgoon is-mariyaa, iskuna qurxiyaa ooridiisa. Waa inuu ku dadaalaa inaan afkiisa iyo kilkilooyinkiisu shiirin ama urin. Jidhka nadiifta ah aad ayaa uu muhiim u yahay xilliga galmada ama xataa nolol maalmeedka qofka oo u wanaagsan caafimaadka. Ninka waxaa si gaar ah looga rabaa inuu ooridiisa u debecsanaado, hadal macaan oo naxariis leh kula hadlo kana fogaado wax kasta oo niyadeeda jebinkara ama dhaawicikara, kuna dadaalaa waxkasta oo niyadeeda hagaajiya, qalbigeedana soo jiita.

Is-marinta cadarka xilliga isudiyaarinta raaxada oo sayga iyo ooriduba marsadaan waa arrin muhiim ah, waana arrin aad iyo aad loo ammaano. Udgoonka ka sokow, waxa uu kiciyaa hammadda sayga iyo oorida. Markaas waxaa fiican in labaduba marsadaan cadar udgoon ka hor galmada.

Aanas (R.C) waxaa uu ka soo weriyay Rasuulka Ilaahay (S.C.W) inuu yidhi: “Dunidan, waxaan si gaar ah u xiiseeyaa haweenka iyo cadarka waxaase raaxadaydu ku jirtaa Salaadda.” (Sunanka Nasaa’i 3939, xasan)

Ragga qaar ayaa si fool-xun oo axmaqnimo ah u garaaca xaasaskooda ama u aflagaadeeya. Ragga noocaas ah ayaa haddana caqli-xumadooa ka fila haweenkooda inay u darbanaadaan ama diyaaryihiin inay habeenkii raaxo la wadaagaan.

Cabdullaah Ibn Samca (R.C) waxaa uu ka soo weriyay Rasuuulka Ilaahay (S.C.W) inuu yidhi: “Sidee nin inta uu ooridiisa u garaaco sida awrka dabadeedna usoo dhaweeyaa (Ula seexdaa).” (Saxeex Al-Bukhari 6042).

Kalgacalka ka dhaxeeya sayga iyo oorida waxaa uu abuuraa saldhig guur oo xoog leh oo aan la ruxikarin, kana nabadgala khataraha is-khilaafka iyo furriinka. Sayga wanaagsan waxaa uu markasta tusaa ooridiisa ixtiraam, jacayl, iyo naxariis. Waxaa uu isticmaalaa erayo ay ku dheehantahay kalgacal, naxariis, iyo jacayl marka ay sariirta wada joogaan.

Marka oorida uu ka dhammaado dhiigga caadada oo ay iska daahiriso iyada oo qubaysanaysa isla markaana dhaqaysa xubinteeda taranka iyo jidhkeeda oo dhan oo is-daahiriso ayaa waxaa habboon in inta ay miski mariso cudbi seddex (3) jeer ku soo nadiifiso xubinteeda taranka dabadeedna qubaysato.

Caa’isha (R.C) waxay soo werisay: Haweeney ayaa weydiisay Nebiga (S.C.W) sida looga qubaysato dhiigga caadada marka uu dhammaado. Nebigu (C.S.W) waxaa uu ugu jawaabay: “Maro yar (ama cudbi yar) oo lagu udgooneeyay miski seddex jeer ku soo nadiifi xubinta taranka.” Dabadeed Nebigu (C.S.W) intuu xishooday ayaa uu sii jeestay. Markaas baan intaan xagayga u soo leexiyay u sheegay waxa Nebigu (C.S.W) u jeeday.” (Saxeex Al-Bukhaari 315).

(Casharka waxaa laga soo qaatay Buugga: HAGAHA NOLOSHA ISLAAMKA Ee Guurka iyo Qoyska)

Diyaariye: Ibrahim Hassan Gagale

ibrahimgagale@gmail.com