Natiijada Ra’iisul wasaaraha Britain Boris Johnson oo codka kalsoonida “Confidence Vote” ee loo qaaday

Ra'iisul wasaaraha Britain Boris Johnson
Ra’iisul wasaaraha Britain Boris Johnson.

Ra’iisul wasaaraha Britain Boris Johnson Boris Johnson ayaa ku guuleystay taagerada aqlabiyadda xildhibaanada xisbiga Conservative-ka ee Britain

Ra’iisul wasaaraha ayaa boqolkiiba 59 ku guulesyatay codadka, Boris Johnson waxa uu sii ahaan doona hogaamiyaha xisbiga Conservative-ka iyo ra’iisal wasaaraha.

Xeerka hadda jira ayaa dhigaya in xildhibaannada xisbiga aanay cod kale u qaadi karin muddo sanad ah.

Dhamaan codadka 211 xildhibaan ayaa sheegay inay kalsooni ku qaban hogaanka Boris johnson halka 148 xildhibaan ay codkooda ku sheegen inay kalsooni ku qabin Ra’iisul wasaaraha.

Wasiirkii hore caafimaadka Jeremy Hunt oo la saadalinayay in uu noqdo ninka Johnson bedeli doono ayaa waxaa uu kamid ahaa dadkii la xaqiijiyay inay ka codeeyen Mr Johnson.

Mr Johnson oo Ra’iisul wasaaraha noqday sanadkii 2019-kii ayaa loo sheegya in loo qaadi doono codka kalsoonida maalinkii axada mar uu ku sugnaa xafladii loogu debaldagay 70sano guuradii kasoo wareegatay tan iyomarkii xilka ay boqoada la wareegtay.

 

Qaar kamid ah xildhibaannada xisbiga talada haya ee Conservative-ka ayaa gudbiyay codsi ku aaddan inuu iscasilo ra’iisal wasaare Johnson.

Cadaadiska siyaasadeed ee haysta Ra’iisul wasaaraha ayaa kordhay tan iyo markii ay soo baxday warbixin faahfaahinaysa xaflado ka dhacay xafiiskiisa Downing Street intii lagu guda jiray xayiraadihii ka dhashay Covid-19.

Warbixinta oo ay diyaarisay Sue Gray oo kamid ah xubnaha ugu sarreeya shaqaalaha rayidka ee UK ayaa lagu sheegay in xafladaas “aan la oggolaadeen inay dhacaan.”

Codka kalsoonida ee Mr Johnson ayaa ka dhigan in uu noqday ra’iisul wasaarihii ugu horeeyay ee UK oo lagu ganaaxo inuu sharciga jabiyay.

Ra’iisul wasaarihii ugu dambeeyay ee Conservative-ka ee wajaho cod xisbigu u qaado hoggaankooda waxay ahayd Theresa May, oo ku guuleysatay codka laakiin waxay iska casishay lix bilood ka dib qaabkii ay u maaraysay Brexit.

Mr Johnson waxa uu xilka kala wareegay bishii Luulyo 2019 ka dibna waxa uu ku baaqay doorasho guud oo xisbiga conservatife-ka uu ku guulaystay aqlabiyadii ugu waynayd tan iyo markii uu Ra’Isal wasaarihii hore ee Margaret Thatcher uu ku guulaystay doorashadii 1987-kii.