Nin 17 sano xabsi ku hayay xaaskiisa & 2 Caruura oo ay dhashay+Sababta

Guriga xabsi ahaanta loogu hayay

Haweeney u dhalatay dalka Brazil ayaa ka hadashay dhibaatadii ay kala kulantay xabsiga – iyada iyo labadeeda caruur – oo uu ninkeeda xabsi guri ku hayay muddo 17 sano ah, sida ay ku warrantay warbaahinta maxaliga ah ee dalka Brazil.

Qoyskan ayaa laga soo badbaadiyay guri ku yaalla xaafadda Guaratiba, ee galbeedka Rio de Janeiro Khamiistii, sida ay booliisku sheegeena ninkii waa la xidhay.

Faahfaahin ay siisay mas’uuliyiinta oo ay soo xigatay shabakadda wararka Brazil ee G1, haweeneyda ayaa ku eedeysay ninkeeda inuu u sheegay in xabsi guriga ay ka bixi doonto oo keliya marka ay dhimato.

Sida laga soo xigtay warbaahinta G1, ninka – oo ay mas’uuliyiintu ku sheegeen magiciisa Luiz Antonio Santos Silva – iyo xaaskiisa ayaa is qabay mudoo 23 sano ah.

Ka dib markii la soo badbaadiyay, hooyada ayaa la sheegay in ay u sheegtay maamulka saddexda xubnood ee qoyska ee la xidhay in ay mararka qaarkood heli jirin cunto muddo saddex maalmood ah, waxaana inta badan loo geysan jiray jirdil , sida ay u sheegtay warbaahinta G1.

Guriga lagu hayay ayaa sidoo kale ahaa mid iftiin yar oo gudihiisa wasakh badan yahay, sida sawirro ay soo bandhigeen booliiska ay muujinayaan.

Labada carruur ah ee qaan-gaarka ah ayaa markii loo tagayay la xiray, xarigna waa la waayay, sida ay booliisku sheegeen. Da’doodu waa 19 iyo 22 jir, sida ay ku warrantay warbaahinta gudaha.

Kabtan William Oliveira oo ka tirsan bilayska militariga ayaa war uu ka soo xigtay wargeyska Brazil O Dia ku sheegay in uu markii hore u maleeyay in labadan qof ay yihiin carruur sababtoo ah heerka nafaqo darro ee jirkooda oo aad u liitay.

“Markii aan aragnay xaaladda labada carruur, waxaan u qiyaasnay in aysan sii noolaan lahayn toddobaad kale,” mid ka mid ah dadka deegaanka ayaa u sidaasi u sheegay warbaahinta G1.

Ka dib markii la soo badbaadiyay seddexda qof ayaa isla markiiba loo qaaday isbitaalka si looga daweeyo fuuqbaxa daran iyo nafaqo darrada ba’an ee ka muuqtay, sida ay ku warrantay warbaahinta gudaha ee dalka Brazil.

Xafiiska arrimaha gudaha ee booliiska madaniga ah ayaa furay baaritaan ku saabsan sababta qoyskan loo badbaadin waayay goor hore, ka dib markii ay soo baxday in xogta ku saabsan xaaladda qoyska markii ugu horreysay la soo bandhigay sannadkii 2020-kii, sida wargeyska O Dia uu soo weriyay.