Nin Dhakhaatiirtu sheegeen inuu Hal sano ka dib u dhimanaayo xanuun hayay balse hadda caafimaaday+Sababta

Ninkan oo nolosha ka quustay ayay “fursad albaabkiisa soo garaacaday”  taas oo uu si sax ah uga faa’iideystay.
Ninkan oo nolosha ka quustay ayay “fursad albaabkiisa soo garaacaday”  taas oo uu si sax ah uga faa’iideystay

Ninkan oo nolosha ka quustay ayay “fursad albaabkiisa soo garaacaday”  taas oo uu si sax ah uga faa’iideystay.

Waxaa loo soo bandhigay inuu ku biiro tijaabada dawo cusub oo loogu talagalay xanuunka kansarka ka dib markii loo qabtay keliya 12 bilood inuu sii noolaanayo.

Robert Glynn waxaa laga helay nooc ka mid ah kansarka qanjirarrada xameetida sanadkii 2020 ka dib markii uu u tagay xarunta lagu baaro xanuunka isagoo uu hayay xanuun daran oo garabka ah.

51-jirka ayaa sheegay inuu aad u nasiib badan yahay maadaama uu kansarka qabay muddo laba sano ah isagoo aan wax fikrad ah ka haysan.

Mr Glynn, oo ka shaqeeya alxanka, ayaa la sheegay in xanuun daran uu ka dareemay garabka, taasoo keentay inuu seexan kari waayo.

Wuxuu booqday xarunta GP waxaana lagu sameeyay baaritaanno dhanka dhiigga ah.

‘Samee wax kasta oo aad awooddo’

Mr Glynn waxa uu sheegay in uu noloshiisii ​​beddelay ka dib markii laga helay cudurka, isaga oo lumiyay ilaa 31kg, uuna hadda rajaynayo mustaqbalka wanaagsan
Mr Glynn waxa uu sheegay in uu noloshiisii ​​beddelay ka dib markii laga helay cudurka, isaga oo lumiyay ilaa 31kg, uuna hadda rajaynayo mustaqbalka wanaagsan

Maalin ka hor dhalashadiisa 49aad, ee Ogosto 2020, waxaa loo sheegay inuu qabo kansarka qanjirrada, kaas oo heer sare gaaray kuna faafay qanjiraada loo yaqaan adrenal.

Qiyaastii 1,000 qof ayaa sannadkii laga helaa kansarka noocaas ah sannadkaas gudaha UK.

Waxa loo gudbiyay The Christie halkaas oo lagu soo bandhigay fursad uu kaga qaybqaato tijaabada caafimaad ee daawada difaaca jirka ee tijaabada ah ee aan la magacaabin, oo ay weheliso kiimoterabiga caadiga ah.

Daawaynta ayaa keentay in buro beerka kaga soo baxday ay ka soo yaraato 12cm ilaa 2.6cm, halka midda qanjirrada adrenal-ka ku jirta ay hoos u dhacday 7cm ilaa 4.1cm.

Tani waxay la macno tahay in Mr Glynn ay u suurogashay in uu qaliin maro bishii April.

Intii lagu guda jiray qalliinka, dhakhaatiirta qalliinka ayaa waxay arkeen kaliya unugyo aan nooleyn, taas oo ka dhigan in daaweyntu ay dishay dhammaan unugyada kansarka.

Mr Glynn ayaa sheegay markii “la siiyay fursad uu kaga qayb qaato cilmi-baarista, ay ahayd mid aan la beerdaryn karin”.

“Waxaad samaynaysaa wax kasta oo aad noloshaada ku bad-baadin karto,” ayuu yiri.

“Aad ayaan u nasiib badanahay maadaama aan kansarka qabay laba sano oo aan wax fikrad ah ka haysan, markaa inaan si cad u ogaado waxay ahayd mid xad dhaaf ah.

“Maanta halkan ma joogi lahayn haddii aysan tijaabada ahaym.”

Tan iyo markii uu qalliinka galay, ma helin wax daawayn ah oo dheeraad ah, waxaana baaritaankii saddexda bilood ahaa ee lagu sameeyay ay muujinayeen inuu gabi ahaanba ka nadiif yahay kansarka.

Tijaabada ayaa waxaa maamulayay The Christie’s Prof Juan Valle, kaas oo sheegay in natiijada cilmi-baarista iyo daraasad kale oo weyn ay “si weyn u sugayeen asxaabta adduunka oo dhan sababtoo ah waxay horseedi kartaa isbeddel ku yimaada sida aan ula macaamilno bukaannada sida Robert mustaqbalka”.