Nin Itoobiyaan ah oo dil khaarijin ah ka badbaadiyey Nelson Mandela

SHAMBE GUTA DINKA
SHAMBE GUTA DINKA

Arrintan ayaa dhacday 60 sano ka hor. Waxay ahayd xilli dalal badan oo Afrikaan ah ay ku hoos jireen gumaysigii, una halgamayeen sidii ay xornimadooda u heli lahaayeen.

 Itoobiya ayaa Talyaaniga ku jabisay dagaalkii Adwa, dalal badan oo Afrikaan ah ayaa tusaale u soo qaatay arrintaa iyagoo sheegaya in dadka madowga ahi ay ka adkaan karaan caddaanka.

Dalka Koonfur Afrika ayaa ka mid ah dalalka bilaabay dhaqdhaqaaq ka dhan ah midab-takoorka.

 Kaalinta Nelson Mandela ee arrintan ayaa ahayd mid aad u weyn.

Sannadkii 1954-kii Mandela waxa uu Itoobiya u tagay tababar ciidan, isagoo magaciisa uu baasaboorka ku qortay ka dhigay David Matsomai, shaqadiisana ka dhigay suxufi.

Balse ka hor inta uusan qaadan tababarka, Itoobiya waxay go’aansatay inay Mandela u sameyso waardiye iyo qof isaga u noqdo tababare.

MAYIBUTE ARCHIVES

Waa kuma ninka badbaadiyay Mandela

 Guta Dinka Debsu waxa uu dhashay sannadkii 1928-kii wuxuuna ku dhashay deegaan lagu magacaabo Lencha Giorgis oo ku yaalla galbeedka Itoobiya.

20 sano ka bacdi, sanadkii  1948 kii iyaga oo dhiganayay iskuul ku yaalla magaalada Guder ayaa waxa ay aadeen gobolka Wolo si ay tababar boolis ah uga soo qaataan.

Muddo lix bilood ah oo ay boolisku tababarayeen, way qalin-jabiyeen oo ay shaqo aadeen.

Balse 1953-dii, Guta waxa uu la kulmay xaalad kale.

Waxaa loo diray tababar saddex bilood ah oo kamaandoos ah. Waqtigaas, tababarka kumaandooska waxaa bixin jiray Israa’iiliyiinta.

Ka hor inta uusan Mandela u tagin Itoobiya tababarka, xisbigiisa ANC ayaa smaystay garab milatari.

”Taliyaha ciidammada ee xilligaasi ayaa wuxuu nagu yiri, “waxaa la idin ku aamminay sirta ugu weyn ee dalkan. Qof marti aad noogu weyn ayaa dalka soo boqoday. Meel qarsoodi ah ayaa loo diyaariyay. Sidaa darteed waxaan idin siiyay masuuliyadda ah inaad ilaalisaan.”

 Guta Dinka iyo 50 qof oo kale ayaa lagu qoray ilaalada Mandela.

 Mandela inkastoo isku dayay inuu qariyo magaciisa iyo xirfadiisa, haddana hoggaamiyayaashii midab takoorka ee Koonfur Afrika waxay ogaadeen in Mandela uu ku sugan yahay Itoobiya.

  Sidaa darteed waxay daejiyeen qorshe ay ku khaarijin rabeen Mandela isagoo Itoobiya ku sugan.

 Qorshaha ayaa ahaa inay kireystaan qof ceeji ku dila Mandela isagoo hurdaya.

 Waxayna rabeen in Guta Dinka ay u  dirsadaan shaqadaasi.

 Si ay u qanciyaana waxay u shegeen lacag badan iyo qorshayaal kale oo ay u hayeen.

‘’Markii aan tababarka ku qaadanaynay Israa’iil, waxaana wada joognay askeri ka socday Eretriyan ah oo magaciisu ahaa Abraham, balse itoobiyaan ahaa dhabcan markaas. Aad ayaan isugu dhaweyn. Wuxuu sidoo kale ahaa jaasjuus oo gadaal ayaan ka ogaaday. Wuxuuna ogaa in Mandela uu Itoobiya joogo, anniguna aan ahaa waardiyihiisa”, ayuu yiri Dinka.

 Dinka, ayaa intaasi ku daray in saaxiibkii Abraham uu maalin ku casumay qado isagoo ay la socdaan laba qof oo kale oo mid uu yahay madow midka kalana caddaan.

‘’Wuxuu ii soo bandhigay inaan khaarijiyo Mandela anigoo isticmaalaya tababarkii la i siiyay. Meydkiisana aan sawir ka qaado. Wuxuu ii sheegay inaan u baxsan doono dhinaca Moyale oo gaari halka igu sugaya aan raaci doono.”

 Guta waxaa la siiyay 2,000 oo pound si uu ugu safro oo uu ugu noolaada waddankuu doono ee Yurub ku yaalla.

 Qorshihii ayuu Guta aqbalay, wuxuu qaatay lacagtii iyo kaamero, wuxuuna markiiba qabtay guriga taliyahii ciidammada Itoobiya, si uu u fashiliya raggan.

SHAMBE GUTA DINKA

SHAMBE GUTA DINKA

Fashilka shirqoolkii dilka ahaa

“Waqtigaas markiiba waxaan qaatay gaari, ka dibna si degdeg ah ayaan ugu lugeeyay guriga General Tadeese. Waxaan markaas u sheegay inuu jiro shirqool lagu dilayo Nelson Mandela oo aan oggolaaday. “

“General Tadese wuu i rumaysan waayay. Waxaan filayaa inay la yaabanaayeen sida ay ku ogaadeen in Nelson Mandela uu halkan joogo. Waxaan u sheegay in aan habeen dambe dili doono oo aan qorshaynayo in aan Mooyaale baabuur la igu geeyo, meesha la igu ballamiyayna ay tahay meel 500 oo mitir u jirta xerada ciidanka.

Waqti badan kuma qaadan jeneraalka inuu arrinta dhinaca kale u rogo.

Markaa labadoodu waxay soo ururiyeen tababarayaashii Mandela iyo ilaaladiisii si ay u fuliyaan hawlgal qarsoodi ah. Dabadeed qorshe ayay sameeyeen.

 Labo askari oo kale ayaa iska dhigay  kuwa soo xiraya  Shambel Guuta Diinka oo katiinadaynaya  oo si toos ah u geeynaya halkii ay ku sugayeen raggaasi ajaaniibta ee loo soo diray khaarijinta Mandela.

Sida ku cad heshiiskii Shambel Guta iyo Abraham, Nelson Mandela waxaa la dili doonaa habeen, isla habeenkaasna, waxa loo baxsan doonaa dhinaca Mooyaale ee xadka.

Shambel Guta waxa uu xasuustaa Abraham oo ka codsaday in ay tagaan kaniisadda oo ay ku dhaartaan si aanay maskaxdooda beddeli doonin.

Ka dib markii uu ka soo laabtay guriga General Tadese Bru, Marshal Guta waxa uu ka soo qayb galay kaniisada St. Paul  wuxuuna u dhaartay Abraham inuu qorshaha ay maleegayeen uu qarsoodi noqon doono.

Sida uu Jeneral Tadesse kula taliyey, markii la gaaray xilligii ay dili lahaayeen Mandela oo ay dadka la kulmi lahaayeen, ayaa labadii askari waxay u kaxeysteen Shambel Guta halkii ay kula kulmi lahaayeen dadkaas ajaaniibta ah iyo Abraham.

Isla markiiba askartii ku sugnayd goobta ayaa gacanta ku dhigay labadii nin ee ajaanibta ahaa iyo Abraham.

Si aanay ajaaniibtaasi u maleynin in Gubta uu fashiliyay ayuu Shambel Guuta habeen ku hoyday xabsiga.

“Howlgalkii qarsoodiga ahaa ee uu diyaariyay General Tadese wuxuu ku dhamaaday siddaas, iyadoo Mandelana uu  badbaaday.”

”Lacagtii 2,000 ee pound ee aan ragga ka qaaday, janaraalka ayaa siiyay hay’ad maxalli ah oo dadka taakuleyso,”ayuu yiri Guta.

 Guta oo la dallacsiiyay ayaa xilka iska casilay sanaddii 1981-dii.

Hadda waa 87 sano jir dhalay sideed carrrur ah, wuxuuna ku faraxsan yahay inuu ahaa qofkii dilka ka badbaadiyay Mandela oo markii dambe madaxweyne ka noqday koonfur Afrika.