Nin Kelidiisa ugu deeqay Qof aan aqoon

Azeem Ahmad

Caasim Axmed oo 35 jir ah kana soo jeedo magaalada Newcastle dalka Ingiriiska ayaa wuxuu sanadkii 2019 mid kamid ah kalyahiisa ugu deeqay qof uusan garaneyn.

Tan iyo markii uu dunida saameeyay caabuqa Covid-19 waxaa uu hoos u dhacday tirada dadka kelyahooda ugu deeqayo dadka kale ee xanuunsan ee markaa baahida u qabo arrintani.

Waaxda adeegga qaran ee UK waxay ugu baaqeysay shacabka dalkaas inay ka fakaraan sidii ay deeq ahaan ugu bixin lahaayeen kelyahooda isla markaana ay tahay in go’aankaa ay la wadaagaan ehelkooda ama asxaabtooda.

Caasim wuxuu sheegay in arrintani ay fududatahay balse ay sidoo kale tahay dooq si taxadar leh looga baaraandegi karo.

Qofka caafimaadka qaba wuxuu ku noolaan karaa nolol caadi ah isagoo leh hal keli oo shaqeynaya.

Azeem ma garanayo cidda uu kelidiisa ugu deeqay balse wuxuu ogyahay in uu baadbiyay nolol.

Arrin naadir ah

In ka badan 4,600 qof oo ay kamid yihiin 100 carruur ah oo ku nool gudaha UK ayaa waxay sugayaan in keli logu deeqo.

Safmarka Karoona wuxuu horseeday in wax ka yar 1,100 qof loogu deeqay kelyaha intii u dhexeyso 2020-21.

Dadka intooda badan waxay xubnahooda ku deeqaan marka ay geeriyoodaan balse qaarkood ayaa ku deeqaan xubnahooda iyagoo nool inta badan, Kelyaha.

Alisha Gokani, oo 23 jir ah, kana timid Kent, ayaa sanado badan sugaysay in kelyaha la beddelo.

Alisha Gokani

Waa xaalad naadir ah markii jirka Alisha uu diiday in uu la qabsado keli loogu deeqay.

Markii ay 19 jir ahayd, hooyadeed, oo lafteedu xanuunsaneyd, ayaa ku deeqday mid ka mid ah kelyaheeda – laakiin jirka Alisha wuu diiday.

Tan iyo markaas, Alisha waxay ku tiirsanayd in la sifeeyo kelyaheeda.

‘Daal joogta ah’

“Waxay aheyd in nolosheyda aan dib u habeeyo, aniga oo fasax kasoo qaatay jaamacadda” ayay tiri Alisha.

“Maalin walbo dadaal ayaan ku jiray, waxaan i soo wajahay daal joogta ah, toddobaadkii afar jeer ayaa la ii daaweyn jiray anigoo dhiganayo waxbarasho”

“Waxaa la sii sheegay qof in uu iigu deeqi doono keli, markii la ii baddalay kelida, jirkeyda wuxuu abuuray unugyo difaaca jirka ah kuwaas oo ii horseeday caqabado”

“Wax kasta waa in la qorsheeyaa, waana la xakameyn karaa sida ugu macquulsan”

“Waa arrin weyn in qofka nool uu xubinhiisa deeq ahaan ku bixiyo, arrin la fududeysan karo ma ahan”

“Laakiin waxaan si naxariis leh dadka uga codsanayaa inay wax badan ka ogadaan deq bixinta dhanka xubnahoda oo ay qoyskooda kala hadlaan go’aankooda.”

‘Caawinta dadka’

Caasim waxaa arrintan ku dhiirogeliyay qoraal uu Twitter-ka soo dhigay goolhayihii hore ee xulka qaran Wales, Neville Southall uu ku hadlayay magaca qoys gabadhooda ay u baahneyd in keli loogu deeqo.

“Waa markii ugu horreysay oo aan arkay dhibaatadan heystay qoyskaas, waxaan la xiriiray cisbitaalka deegaanka” ayuu BBC-da u sheegay.

Dhakhaatiirtu waxay siiyeen macluumaad badan oo ku saabsan habka uu ku deeqi lahaa kelida.

“Markii aan go’aansaday tallaabadan, waxay ila noqotay go’aanka ugu fiican ee aan qaatay” ayuu yiri Azeem.

“In aan kaalmeeyo qof iyo suurtagalnimada badbaadinta noloshiisa oo igu qaadatay maalmo aan dhib la kulmay waxay aheyd arrin wanaagsan”

Markii baaritaanka lagu ogaaday in kelida uu Caasim ugu deeqay gabadh yar aysan qaadan karin wuxuu go’aasaday in uu kelida iska bixiyo si loo siiyo qof kale oo u baahan.

‘Waa arrin sax ah’

Caasim wuxuu qirtay in uu naxay maalintii lagu sameynayay qalliinka si uu bixiyo kelidiisa.

“Waan ogaa in aan wali maskaxdeyda wax ka bedeli karo,” ayuu yiri, “laakin aad ayaan ugu faraxsanahay in aan kelideyda qof ugu deeqo”

“Uma maleynayo arrin qof walbo uu sameyn karo – laakiin aniga ahaan, runtii waxay ahayd wax sax ah oo lagu tallaabsado”

“Qoyskayga iyo asxaabteydana waxay si dhab ah u taageereen go’aankeyga markii ay fahmeen sababta aan go’aankaa u gaaray.”

“Wax aad u wanaagsan”

Waxay qaadatay toddobaadyo in uu kasoo kabsado qalliinka – laakiin Azeem wuxuu ku soo noqday isaga oo badqaba.

Kelida usoo hartay si wanaagsan bey u shaqeyneysaa maadama ay xaaladdiisa la socdaan dhakhaatiirta.

“Waxaan kelida ii soo hartay ugu magac daray Kevin- sababta oo ah guriga ayaan ku cidloobay” ayuu yiri Azeem oo si kaftan ah hadalkaa u yiri isaga ku waday filinka Macaulay Culkin oo ahaa mid madadaalo ah kaas oo la baahiyay 1990.

“Waa wax aad u wanagsan- caafimaad ahaan jirkiisa wuu wanaagsan yahay”

“Waa arrin adag”

Caasim Axmed waxay farriin uga timid qofkii uu kelida ugu deeqay kaas oo uga mahadceliyay deeqsinimadiisa.

Wuxuu sheegay in uu qiirooday markii uu arkay farrintaas.

“Si weyn ayay ii taabatay farrintaas”

“Wax weyn ayay iiga dhigneyd tallaabadaas”

“Dadka intooda badan waxay diyaar u yihiin inay bixiyaan wax yar si dadka kale ay uga faa’ideystaan”