Nin lagu jidh-dilay Banaanbaxii Hargeysa,Xiniinyihiisiina ku waayey Dhacdadaa!

16 Juun 2022 ayay Maxakamadda Gobolka Maroodi-jeex sii deysay, waxaana la xidhay 9 Juun 2022. waxaan ku arkay Xeer-ilaalinta Gobolka Maroodi-jeex gudaheeda 16 bishan subaxaa oo la keenay Maxabiistii Mucaaridka, wuxuu xidhnaa Macawis xiniintana gacantuu ku siday iyadoo bararka aanad eegi karin, Saldhiga waxa lagu hayay 7 Maalmood oo aan la geyn Cusbitaal, haddi gargaar Caafimad loo fidin lahaa waa la badbaadin karaayey xiniinta Maxamed Cali, waxa lagu jidh dilay Bannaanbixii Khamiistii dhacay, kiiskani waa masiib Caddaalad u baahan!
May be an image of 1 person, beard and text

Xigasho:-

Mohamed Sidik – Dhamme

Xoghayaha arrimaha bulshada ee Xisbiga Waddani