Nin mar God ku noolaan jiray haatana ah madaxweynaha 2aad ee ugu awoodda badan Adduunka

God

Xi Jinping ayaa lagu wadaa in si lama filaan ah uu mar saddexaad isugu soo sharraxo xilka madaxtinimada dalka Shiinaha 20-ka bishan, isagoo khudbad ka hor jeedin doona xisbiga shuuciga ah.

Tallaabadaan ayaa u oggolaan doonta  Mr Xi inuu sii hayo awoodda dalkiisa inta nolashiisa ka dhimann, iyadoo lagu salaynayo in Shiinahu uu meesha ka saaray sanadkii 2018-kii xaddidaadda labada muddo xileed ee xilka la haynayo, taasoo soo jirtay tan iyo 1990-meeyadii.

Intii uu jiray maamulka Mr Xi oo xukunka haya tan iyo 2012-kii, Shiinuhu wuxuu noqday mid awood badan ku leh gudaha, isagoo la dagaallamay mucaaradka, dhaleeceynta iyo xitaa bilyaneerrada iyo ganacsiyada saameynta leh.

Qaar ayaa ku tilmaamay inuu yahay “hogaamiyihii ugu awoodda badnaa tan iyo Guddoomiye Mao”.

Waa kuma Xi Jinping?

Xi wuxuu ku dhashay magaalada Beijing sanadkii 1953, waana wiilka mid ka mid ah hoggaamiyaashii kacaanka oo la oran jiray Xi Zhongxun. Sidoo kale wuxuu ka mid ahaa aas-aasayaashii xisbiga shuuciga ah oo uu ka soo noqday ku xigeen.

Mr Xi maadaama aabihii uu ahaa nin dalkiisa wax badan u soo qabtay, waxaa loo hayaa qaddarin, waxaana loo tix galiyaa wiil uu dhalay qof meeqaam sare ku leh dalka.

Mid ka mid ah sawirrada dhifka ah ee laga hayo madaxweynaha Shiinaha oo da' yar
Mid ka mid ah sawirrada dhifka ah ee laga hayo madaxweynaha Shiinaha oo da’ yar

Laakin hantida qoyskiisa waxaa ku dhacay isbdel la yaab leh  markii aabihii la xiray sanadkii 1962-kii.

Mao oo ka mid ahaa aasaasayaashii Jamhuuriyadda Shiinaha, oo aad u shakisan, kana  baqaya mucaaradad kaga timaadda xisbiga, ayaa amar ku bixiyay in meesha laga saaro kuwa la tartami kara.

Ka dib 1966-kii waxa yimid kacdoonkii lagu magacaabay “kacaankii dhaqanka” markii malaayiin qof lagu sheegay in ay cadaw ku yihiin dhaqanka Shiinaha, taasoo dhalisay weerarro rabshado wata oo dalka oo dhan ka dhacay.

Sidoo kale, qoyska Mr Xi waxaa soo gaartay dhibaato oo dad ehelkiisa ayaa wax la gaarsiiyay.

Xi ayaa laga soo saaray iskuul ay dhiganayeen caruur ay dhaleen dadka siyaasadda caanka ku ah.

Ugu dambeyntii, isagoo 15 jir ah, wuxuu ka tagay Beijing waxaana loo diray baadiyaha si uu halkaas dib uga bilaabo waxbarashadiisa muddo toddoba sano ah.

Balse iskaba daa in uu kasoo horjeesto nidaamkii shuuciga ahaaye, Mr Xi wuxuuba noqday mid la dhacsan oo taageera.

Marar badan ayuu isku dayay inuu ku biiro balse waxaa looga hor istaagay sababo la xiriira mowqifka uu taagnaa aabihiis.

Ugu dambeyn waxaa la aqbalay 1974-kii, isagoo kasoo billaabay maamulka gobolka Hebei, ka dibna qabtay xilal kasii sarreeya, ilaa uu markii dambe si tartiib tartiib ah ku gaaray meesha ugu sarreysa.

Sanadkii 1989-kii, isagoo ay da’diisu ahayd 35 sano ayuu ahaa guddoomiyaha xisbiga ee magaalada Ningde, oo ku taalla gobolka koonfureed ee Fujian, markaasoo ay socdeen mudaharaadyo lagu dalbanayay isbaddal siyaasadeed oo kasoo billowday fagaaraha Tiananmen ee magaalada Beijing.

Mar uu god ku noolaan jiray

Dhallinyaro badan oo ka mid ah jiilkii Xi ayaa isku raacay in markii ay dhammeeyeen waxbarashadooda iskuulka ay ku noolaadaan nolol iyo fikir madax bannaan.

Xi oo mar dambe ka sheekeeyay ayaa sheegey in go’aankaasi uu sare u qaaday awooddiisa uu ku dhageysan karo aragtiyaha kale isaga oo aanay qasab ku ahayn in uu hoos tago cid.

“Waxa aan bartay in aan ku raaxaysto marka qaladkayga la ii tilmaamo, laakiin ma aha in aan iska raaco hebel ama suldaan ayaa sidaa yiri.”

Waxa uu in muddo ah ku noolaan jiray god dhulka hoostiisa ku yaalla, halkaasoo uu nolol adag kula qabsaday.

Dad booqanaya godkii uu ku noolaan jiray Xi Jinping
Dad booqanaya godkii uu ku noolaan jiray Xi Jinping

Noloshii miyiga ee Shiinaha 1960-meeyadii waxay ahayd mid aad u adag. Ma jirin koronto ama gaadiid.

Xi oo markaasi ahaa dhallinyaro ayaa waxa uu bartay sida saxarada xoolaha xerada looga nadiifiyo, biyo xireennada loo sameeyo iyo hagaajinta waddooyinka.

Waxa uu sariirtii godkii uu ku noolaa taallay la wadaagay saddex dhallinyaro ah oo kale. Mid ka mid ah wuxuu ahaa beeraley la yirahdo Lu Housheng, oo sannadkii 2015-kii wareysi uu BBC-da siiyay ku yiri: “Waxa kaliya ee aan cuneynay waqtigaas wuxuu ahaa boorash, dhir yaryar iyo rooti. Markaad gaajaysan tahay ma danaysid waxa aad cunayso.”

Lu ayaa sidoo kale yiri: “Habeenkii, Xi wuxuu fariisan jiray gudaha godkiisa waxa uuna wax ku akhrisan jiray iftiinka laambadda. Waxaan xasuusataa inuu ahaa qof aad wax akhriska u jecel oo sigaar cabbid badan.

Sida laga soo xigtay Lu, Xi ma ahayn qof kaftanka ku fiican. Ma uusan ciyaari jirin turub, dhlinyarada kalena ma dhex gali jirin. Xitaa markaasi ma raadin jirin gabar saaxib la noqota ama uu la haasaawo.

Markii uu ahaa 18 sano jir, wuxuu dareemay inuu diyaar u yahay inuu billaabo xirfadiisa siyaasadeed.

Waxa uu ku biiray ururka Dhallinyarada Shuuciga ah ee 21 sano jirka ah, in kastoo dhawr jeer loo diiday sababo la xiriira xiridda aabbihiis iyo ceebta qoyskiisa ay wajahayeen xilligaas.

Waxa uu ugu dambayntii ku guulaystay in uu ku biiro Xisbiga shuuciga ah ee uu hadda hoggaamiyaha ka yahay.