Nin Soomaali ah ayaa anigoo daawanaya lagu dhuftay 38 xabbadood

Rep. Ilhan Omar

Ilhaan Cumar, oo ka mid ah xildhibaannada Aqalka Wakiillada Mareykanka, ayaa ka qayb gashay shir ay bulshada ka yeesheen arrimaha qalalaasaha hubka, waxa ayna isbarbardhig ku samaysay xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab iyo magaalada Minneasopolis.

Ilhaan ayaa u muuqatay inay soo jeedineysa in dhinaca qalalaasaha hubka ay Minneapolis ku liidato marka lala barbardhigo xeryada Dhadhaab.

“Muddo lix sano ah waxaan nasiib u yeeshay in aanan arkin wax qalalaase ah ilaa inta aan usoo guurayay Minnesota,” ayay tiri Ilhaan.

Hase yeeshee markii ay tagtay Mareykanka ayay, sida ay sheegtay, la kulantay dhacdooyin argagax leh.

‘Waxaan daawanahay nin Soomaali ah oo lagu dhuftay 38 rasaas ah’

Iyadoo ku cusub Mareykanka ayay goob joog u noqotay dhowr dhacdo oo dhiig ku daatay.

Rep. Ilhan Omar

Waxay dib usoo gocatay mid ka mid ah falalkaas oo ay booliska ku toogteen nin Soomaali ah.

“Sanadkaygii ugu horreeyay ee aan Mareykanka joogay waxaan arkay qof lagu toogtay Peavey Park, oo isla goobta ku geeriyooday, xilligaas oo ahayd saddex isbuuc kaddib markii aan aniga iyo aabbeheey imaannay Minneapolis.

“Lix bilood kaddib waxaan goob joog u ahaa oo aan daawaday booliska Minneapolis oo 38 xabadood ku dhufanaya jirka nin Soomaali soo galooti ah oo dhimirka ka xanuunsanaa, kaasoo aan ku hadli karin luuqadda Ingiriiska,” ayay tiri.

Xildhibaan Ilhaan Cumar ayaa sidoo kale ka sheekeysay in markii ay Soomaaliya kasoo qaxayeen qoyskeeda ka hor ay arki jirtay carruur iskuulka la dhiganaysay oo goobta waxbarashada la aadi jiray hubka.

Xilligaas waxay ahayd markii uu billowday dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya.

“Waan garanayaa sida uu u eg yahay qalalaasaha noocaas ah ee hubka, balse waxaan nasiib igu filan u lahaa inaan soo qaxo oo aan magangalyo ka helo xero qaxooti, halkaas oo aan ku noolaa afar sano anigoo aan ku arkin wax qalalaase ah.”

Rep. Ilhan Omar

Dhowr sano oo ay xeryaha qaxootiga ee Kenya ku qaadatay kaddib, Ilhaan waxa ay sanadkii 1995-kii tagtay Mareykanka, waxaana laga qaabilay gobolka New York. Da’deedu markaas waxay ahayd 12 sano.

Siduu u dhacay dilka ninka Soomaaliga ah?

Toogashada labaad ee ay Ilhaan ka sheekeysay waa dhacdadii uu ku dhintay Abuu Qaasim Jeylaani oo ahaa 28 jir, kaasoo ay booliska dileen sanadkii 2002-dii.

Waxaa la toogtay isagoo wata baangad.

Dda goob joogeyaal ah ayaa sheegay in marka Jeylaani rasaasta lagu furayay uu ku qaylinayay “Allahu Akbar, Allahu Akbar”, sida uu qoray wargayska Daily Mail oo kasoo baxa UK.

Waxa uu dhagaha ka furaystay hadalladii ay booliska uga dalbanayeen in uu baagadda iska dhigo.

Muddooyinkii dmabe waxaa dalka Mareykanka si xoog leh uga taagnayd dood ku saabsan in la xakameeyo isticmaalka hubka kaddib markii ay dhaceen toogashooyin isdaba joog ahaa oo lagu dilay dad ay ku jiraan carruur iskuul lagu weeraray.

Xildhibaannada Aqalka Senate-ka ee gobolka New York ayaa hadda ansixiyay sharci cusub oo mamnuucaya in hubka aan loo jeedin ee darka hoostooda kagu qarsado lala galo goobaha xasaasiga ah.

Meelahaas waxaa ka mid ah dhismeyaasha dowladda, xarumaha laga raaco gaadiidka dadweynaha, goobaha waxbarashada iyo sidoo kale fagaaraha Times Square.