Nin Soomaaliya ka soo dagaallamay oo la saadaalinayo inuu beddelo Hogaamiyihii La khaarajiyey ee Al-qaacida Ayman Al-Zawahiri?

Filim laga sameeyay Black Hawk Down ee Soomaaliya

Kooxda Al-Qaacidda ayaa noqotay hoggaamiye-la’aan, kaddib markii Ayman al-Zawahiri oo madax u ahaa lagu dilay duqeyn hawada ah oo ka dhacday magaalada Kabul ee dalka Afgaanistaan Sabtidii toddobaadkan.

Markii uu dhintay Usaama Bin Ladin bishii May ee sanadkii 2011, waxaa la ogaa qofka beddelaya. Sida ku cad shuruudaha ku biirista ee ururka Al-Qaacidda ee sanadkii 2001, iyo ku biirista ururka Islamic Jihad, Ayman al-Zawahiri, ayuu qorshuhu ahaa inuu noqdo amiirka xiga ee Al-Qaacidda.

Laakiin kahor inta uusan al-Zawahiri si rasmi ah ula wareegin xafiiska, wuxuu u baahday inay ballan qaad adag siiyaan xubnihii ka tirsanaa golihii maamulka.

Haddaba sidee ayay kooxda u xallin doontaa caqabadda dhanka hoggaanka kala soo gudboonaatay? Yayse u badan tahay in lagu beddelo Al-Zawahiri? Si aan su’aalahaas jawaabo ugu helno waxaan idin soo koobeynaa qoraal ay Xarunta La-dagaallanka Argagixisada (CTC) horay uga qortay Saif Al-Caadil oo ah ninka loo saadaalinayo inuu noqdo hoggaamiyaha saddexaad ee Al-Qaacidda.

Hadda ururku wuxuu u baahday hoggaamiye aan la loodin Karin oo muddo ka tirsanaa ururka. Saif Al-Caadil wuxuu hormuud u ahaa qeyb dhan oo ciidanka Komaandooska Masar ah.

Waa kuma Saif Al-Caadil?

Wax badan lagama oga dhaqdhaqaaqiisa. Sidoo kale, khibradda uu u leeyahay dhanka ciidanka, sirdoonka iyo hoggaaminta ayaa ka dhigaysa hoggaamiye halis ah.

Laga soo billaabo sanadkii 2002 ilaa 2003 Saif waxaa saldhig u ahaa dalka Iiraan. Intuu halkaas joogay, maqaamkiisu wuu isbedbeddelayay. Marar baa la xiray, mararna waxaa lagu hayn jiray noocyo kala duwan oo xabsi guri ah.

Saif Al-Caadil
Saif Al-Caadil

Dhamaadkii sanadkii 2010, waxaa loo oggolaaday inuu dib ugu laabto gobolka Waziristan ee waqooyiga dalka Bakistaan, halkaasoo xilligaas xuddun u ahayd kooxda Al-Qaacidda, isagoo ku jiray ururkan muddo 22 sano ah.

Xubinnimada Saif ee Al-Qaacidda ayaa siyaabo kala duwan loo fasiray. Wuxuu ka caawiyay inay noqdaan maleeshiyaad la dagaallamay dowladdii Midowgii Soofiyeet, taas oo ka dhigtay argagaxisada ugu dilka badan dunida.

Al-Zawahiri, wuxuu ninkan uga duwanaa inuu ahaa dhex-dhexaadiye, hoggaamiye urur hore oo fashilmay, kaddibna ku biiray Al-Qaacidda, oo ay kasoo hareen toban xubnood.

Saif iyo Soomaaliya

Saif waa mid ka mid ah maleeshiyaadka ugu khibradda badan dhaqdhaqaaqa jihaad-doonka ee adduunka.

Wuxuu ka soo dagaallamay Soomaaliya, xilligii ay halkaas ku sugnaayeen ciidanka huwanta ee uu Mareykanka hoggaaminayay. Waxaa jirkiisa ka muuqda nabarrada dagaalka: nabar isha midig hoosteeda ah oo ka soo gaaray qarax madfac; nabar kale oo uga yaalla gacanta midig; iyo dhaawac cududda ka soo gaaray xilligii uu ka dagaallamayay Soomaaliya.

Mid ka mid ah howlihii ugu horreeyay ee uu qabtay Saif wuxuu ahaa in uu maleeshiyaadka u tababaro sida loo isticmaalo hubka lidka diyaaradaha intii uu socday dagaalkii Soofiyeedka ee Afgaanistaan.

Sidaas si la mid ah ayuu kooxihii ka dagaallamayay Soomaaliya u siiyay tababar la xiriira qaabka ay uga hortagi karaan diyaaridihii Ameerikaanka ee ka howlgalayay Muqdisho.

Laga soo billaabo saldhigga ay ku leedahay Suudaan, Al-Qaacida waxay isku fidisay Bariga Afrika oo dhan. Mid ka mid ah bar-tilmaameedyadii ugu horreeyay ee is-ballaarinta ayay ahayd Soomaaliya oo xilligaas burbur dhanka dowladda ah wajaheysay.

Ka hor inta aysan Al-Qaacidda u guurin Khartuum, waxa ay tababaraysay dagaalyahanno ka socda Soomaaliya, qaar ka tirsan oo ka qalinjabiyay tababarradaas waxay dib ugu noqdeen dalka si ay u aasaasaan kooxo u gaar ah oo Islaamiyiin ah.

Soomaliya

Bin Laadin waxa uu u diray Saif Al-Caadil si uu u sahamiyo suurtagalnimada in la ballaariyo howlgallada Soomaaliya. Caqabad weyn oo Al-Qaacidda soo wajahday waxay ahayd in hoggaamiyeyaasha Islaamiyiinta Soomaaliya aysan qaddarin amarrada taliyeyaasha shisheeye.

Saif wuxuu u safray koonfurta Soomaaliya si uu xero uga samaysto Kaambooni, oo ku taalla xudduudda Kenya. Isla markiiba waxa ay tani noqotay saldhigga weerarrada ka dhanka ah ciidammada caalamiga ah ee xulafada la ah Maraykanka ee loo geeyay howlgalka nabad-ilaalinta Qaramada Midoobay.

Saif wuxuu ka mid noqday waardiyeyaasha gaarka ah ee Usaama Bin Laadin sanado kaddib markii uu ka tagay Soomaaliya.