Nin Soomaaliya oo Maraykanku dul dhigay Madaxiisa Hal milyan oo Dollar oo loo gacan geliyay

Cabdi Xuseen Axmed

Booliska Kenya ayaa u gacan galiyay Mareykanka nin lagu eedeeyay inuu ka ganacsanayay duurjoogta.

Cabdi Xuseen Axmed oo loo yaqaan Abu Khadi, ayaa waxaa loo haystay eedeymo la xiriira inuu ku lug lahaa ugaarsiga in ka badan 35 wiyil iyo in ka badan 100 maroodi.

Wuxuu ninkaas ku jiray liiska dadka uu Mareykanku baadigoobayo.

Waxaa lagu soo oogay isaga iyo saddex qof oo kale dambi ah “in ay ka qaybqaateen ka ganacsiga geesaha wiyisha iyo foosha maroodiga, oo labaduba ah noocyada duurjoogta ah ee la ilaaliyo, kuwaas oo lagu qiimeeyay in ka badan 7 milyan oo doollar, sida ay sheegtay Agaasimaha Waaxda Dembi-baarista ee dalka Kenya (DCI) .

DCI-da ayaa Axaddii sheegtay in eedeysanaha loo gacan galiyay dalka Mareykanka “si uu uga jawaabo dambiyadii lagu soo eedeeyay”.

Mareykanka ayaa Cabdi Xuseen madixiisa dul dhigay abaal-marin dhan hal milyan oo doolar oo loo ballanqaaday in la siinayo qofkii keena macluumaad lagu soo qaban karo.

Dambiga looga soo oogay Mareykanka waxaa kale oo ku wehelinayay eedeysaneyaal kale oo lagu kala magacaabo Moazu Kromah, oo sidoo kale loo yaqaanno “Ayoub,”, “Ayuba,” ama “Kampala Man;” Amara Cherif, oo loo yaqaanno “Bamba Issiaka;” iyo Mansur Maxamed Surur.

Cabdi Xuseen

XIGASHADA SAWIRKA,SAFAARADDA MAREYKANKA EE KENYA

Laga soo billaabo bishii December ee sanadkii 2012-kii ilaa bishii May ee 2019-kii, Cabdi iyo nimanka la shaqeynayay waxa ay dhoofiyeen ama iibiyeen ugu yaraan 190 kiilo oo geesaha wiyisha ah iyo ugu yaraan 10 tan oo foolasha maroodiga ah, oo ay ka qaadeen dalal ka tirsan Afrika, sida Kenya, Uganda, Jamhuuriyadda Dimuqraaddiga ah ee Congo, Guinea, Mozambique, Senegal iyo Tanzania.

Qabashada eedeysanihii hore

Badru Cabdul Casiis Saalax ayaa laga soo qabtay deegaanka Liboi ee ismaamulka Garissa xilli uu doonayay inuu u gudbo dhanka Soomaaliya, sida laga soo xigtay ilo ka tirsan booliska.

Markii la qabtay waxay ahayd afar maalin un kaddib markii Agaasinka Danbi-baarista ee Kenya iyo Safaaradda Maraykanka ee Nairobi ay soo bandhigeen sawirkiisa, kaas oo si weyn loogu faafiyay warbaahinta.

Booliska ayaa markaas sheegay inay ku raad-joogeen Cabdi Xuseen Axmed oo ay wada socdeen Saalax.

Qaabkii loo soo qabtay faahfaahin lagama bixin, mana cadda in ay jirto cid qaadatay abaalmarintii uu Mareykanku ballanqaaday.

Balse, safaaradda Mareykanka ayaa dabayaaqadii bishii May xaqiijisay qabashada ninka baxsadka ku jiray, waxayna shacabka ku ammaantay inay gacan ka geysteen soo qabashadiisa.