Nin Soomaaliya oo shaaciyey inuu haysto Raadiyihii uu ka dhegaystay geeridii Cabdirashiid Cali Sharmarke

.

Nabadoon Axmed Salaad Cabdiraxmaan waa 80 jir ku nool magaalada Baargaal oo ku taal Badda hindiya gobolka Bari Puntland.

Axmed waa badmaax la socon jirey doonyaha iyo maraakiib isaga kala goosha wadamada Khaliijka iyo geeska Afrika, waxa uu tegey magaaloyin dhawr ah oo u badan kuwa Carabta.

Sannadkii 1978 ayaa Axmed tegey magaalada Riyaad ee dalka Sucuudiga halkaas ayuuna ka gatay Raadiyaha.

”Waxaan ka gatey magaalada Riyaad ee dalka Sucuudiga, haddeer dhab uma xasuusto lacagtii layga siiyey oo riyaalo ahayd, waxaan markale oo ahayd 1982 gatay mid kale oo isaguna shaqaynaya haddii hadeer beytari lagu rido” ayuu yiri nabaddoon Axmed Salaad Cabdiraxmaan.

 

Dhaqaalaha iyo illaalinta Rikoodhka

Axmed waxa uu sheegay in uu ilaaliyo oo uu xafidi jirey Raadiyaha oo noociisu yahay National Panasonic isaga oo sanduuq ku qufili jirey marka uu safar u baxayo, inta uu magaalada joogona waaba agyaal oo kama maarmo.

Mudadii uu hayey rikoodhada waxaa jirey dalab loo soo bandhigay iyada oo mararka qaar la hunguri geliyey oo lacag loo soo bandhigay.

.

”Dhawr jeer baa telefoonno laygula soo hadlay oo waxaa lay yiri caagadaa meel kaga jira raadiyahaaga, bahashan biyaha ah ee lacagta badan, mercurybaa ku jirta ee furfur oo bahashaa nooga eeg, anigan waan diidey oo waxaan iri haygu jirto” ayuu yir Nabaddoon Axmed Salaad Cabdiraxmaan.

Magaaladan Axmed deganyahay ee Baargaal Internetku waa 4G waxa uuna sheegay in uu haysto Mobilada casriga ee smart-ka laakiin kalsooni kuma qabo wararka dhex yaacaya.

” Mobilada aniga marbaa laygu khasbay oo laygu yiri mobil gado, Facebook iyo waxbaa wareegee, waanna gatay haddeer halkuu ii yaal mana dhegeysto waxaa uu sheegayana been ayaan u arkaa oo waxaana ma dhegeysto raadiyaha ayaan kaga kalsoonahay” ayuu yiri.

.

Xilligan ilaa waagii uu bilaabay dhegeysigiisa raadiyaha oo maalin walba war cusub laga siideynayey iddeecadaha ayuu ka hadlay Nabaddoon Axmed isaga oo sheegay midkii ugu naxdinta badnaa ee uu dhegeysto.

” Waxaa iigu naxdin badnaya aniga oo magaaladan jooga oo ah 20 jir aroos ah ayaa BBC soo gashay labaddii duhurnimo kadibna waxaa la sheegay geeridii AHUN Madaxweynihii hore Soomaaliya Cabdirashiid Cali Sharmarke oo la diley warkaa mid iiga naxdin badan ma xasuusto” Ayuu raaciyay.