Nin Turki ah oo Gacanta u galay Koobka Adduunka ee uu qaaday Messi

Salt Bae

Xiriirka Kubbadda Cagta Adduunka ee Fifa ayaa baaraya sida ay Cunto Kariyaha caanka ah ee lagu magacaabo Salt Bae iyo dad kale ugu suurtagashay in ay “si khaldan u galaan” garoonka ay ka dhacday ciyaartii kama dambeysta Koobka Adduunka ee lagu qabtay Qadar.

Salt Bae, oo ah cunto kariye u dhashay dalka Turkiga oo magaciisa saxda ahna uu yahay Nusret Gokce ayaa lasoo sawiray isagoo heysta isla markaana dhunkanaya Koobka Adduunka xilli uu markaas la dabaaldegayay ciyaartoyda xulka Argentina ee ka guuleystay Faransiiska.

Xeerka Fifa ayaa dhigaya in Koobka ay taaban karaan oo keliya dad “si gaar ah loo soo xushay”, oo ay ku jiraan ciyaartoyda ku guuleystay tartanka, saraakiisha Fifa iyo madaxda caalamka ee la casuumay.

Salt Bae

Afhayeen u hadlay Fifa oo bayaan uu soo saaray nuqul ka mid ah soo gaarsiiyay BBC-da ayaa yiri: “Ka dib markii la sameeyay dib u eegis, Fifa waxay dooneysaa in ay ogaato sida ay ku dhacday in shakhsiyaad ay aan loo fasixin galeen garoonka Lusail stadium 18-kii December ka dib markii lasoo xiray xafladda dabaaldagga.

“Waxaa la qaadi doonaa tallaabada habboon ee dhanka gudaha ah.”

Salt Bae waa milkiilaha makhaayado badan oo lagu kariyo hilibka, waxa uuna soo caan baxay sanadkii 2017 ka dib markii ay xirfaddiisa hilib diyaarinta ee khaaska u ah noqotay arrin caan ka ah internet-ka.

Ciyaartoy badan oo isugu jira kuwo hadda kooxo u ciyaara iyo kuwo hore, oo ay ka mid yihiin Messi, Cristiano Ronaldo iyo David Beckham ayaa wax ka cunay makhaayadaha Salt Bae.

Bishii November, inti uu socday tartanka Koobka Adduunka, waxa uu baraha bulshada soo geliyay muuqaal laga arkayo isagoo la jooga Madaxweynaha Xiriirka Kubbadda Cagta Adduunka ee Fifa, Gianni Infantino, kaasoo markii dambeyna uu ka muuqday isagoo kuraasta Khaaska ah la fadhiya ciyaartoydii hore ee Brazil, Ronaldo, Roberto Carlos iyo Cafu.

Messi ayaa u muuqday in uu inkirayay Salt Bae marka uu garoonka soo dhex galay ka dib guushii Argentina, xilli cunto kariyaha uu isku dayayay in uu la hadlo Messi.