Writen by Qaran News |

 

 

Wararka ugu danbeeyay ee ka soo baxaaya weerarkii caawa loo gaystay guriga musharaxa xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro ayaa xaqiijinaaya in uu weeararkaasi uu horkacaayay xildhibaan Cabdicasiis Adan Habane oo ku magac dheer Cabdicasiis Siisto, xildhibaankani oo ka tirsan xisbiga Kulmiye isla markaasna ka mid ah xildhibaanada golaha deegaanka ee Hargeysa ayaa caawa horkacaayay ragii caawa weerarka shiidka ah ku qaaday guriga Cabdiraxmaan Cirro, waxa sidoo kale la sheegayaa in ay dadkaasi weerarka soo qaaday ay ku jireen xubno mihiim ah oo ka tirsan xisbiga Kulmiye golayaashiisa, kuwaasi oo watay baabuur isla markaasina hagaayay ciyaal tiro badan oo dhalinyarada iyagu lugaynaayay ee wax shiidaayay.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaaya in ciidamada Boolisku ay qabteen mid ka mid ahaa baabuurtii weerarka soo qaaday oo ay saarnaayeen dhowr qof gaadhigaasi ayaa lagu sheegay in uu ahaa nooca Dukhaanka loo yaqaano.

Xildhibaanka caawa hagaayay weerarkani lagu soo qaaday guriga Cirro, ayaa sidoo kale uu gudoomiyaha xisbiga Kulmiye dhawaan qandaraas ku siiyay shiidaalka uu xisbiga Kulmiye u isticmaalaayo ololaha doorashada, waana shaqsi aad ugu dhow gudoomiye Muuse Biixi, isla markaasina weeraro hore oo Hargysa ka dhacay oo kuwani oo kale ah hore u fuliyay, todobaadkii hore ayay ahayd markii qoys degan shacabka Hargyesa ay ka cabanyeen weerar habaynimo ah oo uu xildhibaan Sisto ku soo qaaday