Writen by Qaran News |

Ugu horayn waxaan salaanta islaamka ku salaamayaa dhamaanba warbaahinta Somalliland meelkasta oo ay joogto, waxaan kaloo salaamayaa bulshada Somaliland meelkasta oo ay kala joogaan.

Maqaalkan aan ugu magac daray ninka ugu ildheerbaa dadka ugu ayaan daran, waxaa igu kalifay inaan qoro su’aal aan iswaydiiyay oo ah niyaw dhibka haysta bulshada dhinac kastoo ay noqoto ma adiguun baa arkaya mise waa lagula og yahay ee dan baan laga lahayn, waxyaabaha aan isdul taagay waxaa ka mid ah nolosha bushada iyo sida uu sixir bararku u aafeeyey.

Horta marka koobaad dhib kasta oo ku yimaada bulshadeenan Somaliland waa mid ay iyagu isu gaysteen oo ka bilaabmaysa qabyaalada iyo iskhilaafka laysku khilaafayo waxkasta oo bulshada dan u ahaa iyadoo laga duulayo qabyaalad.

Sixir bararku waxa uu ka mid yahay waxyaabaha mideeya bulsho wada nool oo kala fikir ah ama wax isku khilaafsan, waana muhiim in xaalada dadkeenu maanta ku jiro in loo midoobo, dawlado dhan ayaa lagu badelaa roodhi hal cent ku kordhay, inaguna maanta halkii ugu liidatay ayaynu maraynaa dadkeenii danyarta ahaana waxba xaalkooda kalama socono.

Waxyaabaha iga yaabiyay waxaa ka mid ah markasta oo la doonayo in sixir barar wax laga qabto waxaa la yidhaahdaa dollar baa kacay ee hoos haloo dhigo, haddii hoos loo dhigana laba dhibaato ayay bulshadii la kulantaa oo kala ah waa mida koobaade in meceeshadii halkeedii taagnaato ama kabasii korodho iyo in lacagtii hoos u dhacdo oo waxba u jari waydo bulshadii masaakiinta ahayd, waxa kale oo la yaab leh, halkii shay ee la siin jiray hal ka dollar marka uu tobanka kun ahaa imika oo uu sideed kun marayana lagu odhan maayo hal dollar keene waxaa lagu odhanayaa toban kun keen, marwalba bulshadii masaakiinta ahayd ayaa ku dulman, ma waxaynu garan waynay oo maamulkeenu garan waayay war haatan bulshadu halka dollar shayga la siinayo hal dollar haku iibsatee zaad kii iyo e-dahabkii u ogolaada in sidii caadiga ahayd lacagta laysugu diri karo, oo halkii dollar wax lagu iibsan karo, zaad kii iyo edahabkii la joojiyayna dhib kale iyo sixir barar kale ayuun bay bulshada ku soo kordhiyeen.

Haddaba, markay sidaa tahay, waxaan talo idinku siinayaa muwaadiniinta aan u diir naxayoow iyo dadkayga jilicsanoow inaad ka hadashaan oo ka doodaan oo diidaan sixir bararka iyo tacadiga noocaas ah ee aydaan qaadi karayn idinkoo mid ah oo aan iskala qaybinaynin, qabyaaladana iska daaya waata halkaa idin dhigtaye, wixii dadka, dalka iyo diintaba wax u dhimaya, wixii aan xaq ahayn iyo waxkasta oo bulshada masaakiinta ah culays ku ah si toos ah oo isku mid ah uga wada hadla oo ha is khilaafina nabad-galyadana ilaashada idinkoo mid ah.

Wa bilaahi tawfiiq

Abdiaziz Mohamed Mohamoud
aziiz9000@gmail.com