13 November, waa tii xisbiyada mucaaridka ah ee SL ay ku dhawaaqeen in aanay Xukuumadda Muuse hormuudka u yahay aqoonsanayn marba haddii sharciyadoodii la is la ogolaa dhamaatay, ta aan la is la ogolayn ee Guurtidu siisay na aanay aqbalayn. Shantii maalmood ee go’aanka kaas ah ka dambaysay, waxyaabo badan baa dhacay. Muuse iyo dadka uu adeegsado ayaan u fiirsanaayay qaabka ay u fal celinayaan, runtii na waxyaabo badan baa banaanka u ga soo baxay. Sida ay xukuumaddu u nugushahay ayaa aad u muuqatay. Sida waxa socda oo dhami mashruuc hal nin u yahay, oo kuwan kale ay u madhanyihiin ayaa qaawisantay.
La ga soo bilaabo Waran-cadde oo u gu hor hadlay kooxda Muuse u adeegta, isuna dhigay in uu dhexdhexaad yahay, laakiin xataa dacawooyinkiisa iyo riyihiisu ba ogyihiin in aanu dhexdhexaad ahayn, iyo Kaahin oo ku xigay, iyo intii ka dambaysay oo tusbax go’ay noqotay – masuul kasta oo uu Muuse magacaabay wuu hadlay, keliya isaga uun baan hadlin laakiin gadaal buu ka taaganyahay oo wuu la socdaa nacnacdooda. Warkii koobnaa ee mucaaridka iyo sidii saxaafadda caalamiga ahi u ga fal celisay, oo faaladii BBC da qaybta Afrika ay u gu xoog badnayd (Mary Harper), Muuse iyo ciidankiisu ma is ka difaaci karayn, xataa ma ku dhawayn in ay is difaacaan. Mary waxa ay tidhi – ninkani caqliyaddii jabhadnimada ka ma korin, imika na waxa uu doonayaa in uu kursiga is ka fadhiyo bilaa doorasho, wax kasta oo xal noqon lahaa na isaga ayaa diiday. Dhawr kaas kalmadood ayayba ku soo koobtay waxa SL ka socda oo dhan, runtii na warku ba waa intaas uun.
Hadal badan, iyo dad badan wuu soo tubay Muuse, laakiin sinaba jawaabtoodu ma u caabiyi karto doodda Meesha taalla, waana sababta uu Muuse u ga dhuunto saxaafadda. Clip yar oo aad loo jarjaray, oo iyaduna aan micno badan xambaarsanayn mooyee marnaba waraysi aan la edit garayn ma bixiyo, sababtu na waa taas aan sheegay. Wuu is ogyahay in uu qaldanyahay, kuwa u hadlaa na waa ogyihiin, laakiin bariiskooda ayay difaacanayan. Hadaba, qodobka Meesha ku jiraa waah al uun – mucaaridku siyaasad ahaan gacantii sarre iyaka ayaa haysta, mana u baahna in ay wadahadal doonaan in ka badan inta uu Muuse doonaayo. Xadhiga inta uu giijiyo laban laabkeed waa in ay giijiyaan. Xalka hadii uu ciid ku shubo, iyaku na waa in ay dhagxan ku shubaan. “Hadii aan la ka la roonaan, roob ma da’o”, maahmaahdii ahayd waa in ay buugagtooda ka saaraan. Beed mucaaridka oo keliya ka jabayaa ma jiro. Taas weeye runtu.
Ninkani caqliyaddii jabhadnimada kama korin,Wuxu doonayaa inuu kursiga iska fadhiyo bilaa doorasho, wax kasta oo xal noqon lahaana isaga ayaa diiday.

Waxa Qoray:

Maxamed Haaruun Biixi