Marka dad dal wada leh ay isku qabtaan saami qaybsiga dalkhliga dalka ka soo baxa (National revenue), dadka ka soo jeeda deegaanada qaata sed amma saami ka badan kay xaq u leeyahiin, waxay u qaataan oo ku doodaan, sidaynu haddadan aragno, in ay saamiyo (shares) gashadeen maal-gelintii kastamada deegaankooda ku yaala.

Waxay isdiid siinayaan oo illawsan yihiin oo ay iska indho tirayaan in aanay jirin Qabiil amma beel maal maagashatay kastamada Berbera iyo Gabiiley.

Maalka lagu dhisay kastamada ku yaala deegaanada sed-bursiga qaadanayey sodonka sannadood ee ay Somaliland jirtay, waa in ay ogaadaan dhegahoodana u furaan in dekeda Berbera lagu dhisay maal ay Reer Somalaland oo dhammi wada leeyahiin.

Ninna aabahii muu gelin maal u leeyahay Dekeda Berbera iyo kastam kale. Hanti ummadda Somaliland ka dhaxaysa ayaa lagu sameeyey laguna balaadhiyey Dekeda Berbera.

Dadyawga reer Gabiiley iyo Saaxil, waa in ay dadka Somaliland ka xishoodaan. Ujeedada ka dambaysa in la keeno mooshinka xeerka midaynta cashuuraha, xeer 23, waxay ku salaysan tahay in si siman shacabka Somaliland u qaybsadaan dakhliga dalka.

Cadaaladu waa xabagta dadka isku haysa. Illaaha waaxidka ahi xaqqa haydin garansiiyo.

Jaamac Ismaciil

jamafalaag@gmail.com

Dhamaan maqaalada ku soo baxa shabakadani waa fikrada qoraha kor ku xusan