“No taxation without representation”
31 Sano kaddib, Somaliland adeeg kasta oo aasaasi ah waxa lacag adag ka bixiya muwaadinka! caafimaadku waa lacag qaali ah, waxbarasho tayo leh helimaayo nimaan dollar bixin, laydh shidan maayo danyare, biyaha booyadbaa sidda iib ah, noloshu waa cidhiidhi sicir barar iyo shaqo la’aani halkaysay, guryaha waxa waardiyeeya gaadh lacag qaata bil kasta oo qoyasaku bixiyaan.
Dawladnimadu waa adeeg iyo daryeel bulsho, waxay dadka siisaa adeegyada aasisaga ah ee lagama maarmanka ah, waxbarashada, caafimaadka, biyaha, laydhka, jidadka, waxaana laga siiyaa cashuurta muwaadiniintu bixiso oo la qorsheeyay. dawladnimo aan bixin adeegyo aasaasi ahi muwaadinka uma laha waxtar iyo himilo mustaqbal, lexejeclada muwaadinku u qabo dawladiisu waxay imanysaa marka la dareensiiyo ee uu helo adeeg.

Mohamed Sidik – Dhamme