Orodyahanka Caanka ah Mo Farah oo Sir weyn & Taariikh Beena kashifey

Orodyahanka Caanka ee Mo Farah, ayaa sheegay in magaciisa dhabta ah uu yahay Xuseen Cabdi Kaahin, balse uu sifo sharci darro ah ku galay dalka UK isagoo la siiyay magac qof kale, wakhtigaas oo uu ahaa ilmo yar.
Magaca Maxamed Faarax ayaa laga soo xaday ilmo kale si loogu sameeyo Passport been ah, balse isaga magaciisa saxda ah ayaa ah Xuseen Cabdi Kaahin.
“Waxaan u badheedhay halis weyn si aan sheekadayda caalamka ugu sheego, waa sir aan qarinaayay ilaa waagii aan ilmaha yar ahaa. Runtu waxa weeye in aanan ahayn ka aad u maleynayso inaan ahay” ayuu yidhi Mo Farah.
“Waalidiintaydu weligood UK kumay noolaan, markaan ahaa afar jir waxaa la dilay aabbahay, waxaana layga soo kaxeeyay hooyaday, iyadoo UK la igu keenay sifo sharci darro ah isla markaana la i siiyay magaca ilmo kale oo lagu magacaabo Mo Farah”
May be an image of 1 person